
Axad, Janaayo 25, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaan tacsi ah ugu tagay boqorka cusub ee dalka Saudi Arabia, Salmaan Bin C/casiis, isagoo saakana dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh ayaa boqorka Sucuudiga u sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay si aad ah uga xun yihiin geerida boqorkii hore, isla markaana uu ahaa shakhsi ka tagay dhammaan caalamka Islaamka, lana tebi doono talooyinkiisa iyo doorkii uu ku lahaa siyaasadda caalamka.
“Geerida Boqor Cabdalla si weyn ayay inoo taabatay, wuxuuna ahaa saaxiib, walaal iyo hoggaamiye ay ku tashtaan ummadda Soomaaliyeed, ALLE ayaan ka baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo idinkuna samir iyo iimaan idin ka siiyo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Madaxweyne Xasan ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka ee dalka Sacuudiga u jooga tacsida boqorka geeriyooday, Cabdalla Bin C/casiis oo ku geeriyooday Riyadh habeenkii Jimcuhu soo galayay.
Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo isugu jiray xilhdibanano iyo wasiirro xilalka sii haya ayaa saaka dib ugu soo laabtay Muqdisho, si ay uga qayb-qaataan soo dhaweynta madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo maanta imaanaya Muqdisho.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay baarlamaanka xubno ka tirsan labada gole ee dowladda oo uu ku jiray afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Si kastaba ha ahaatee, garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa saakay ka socda xaflad weyn oo lagu soo dhaweynayo Recep Erdogan iyo wafdigiisa, iyadoo ay xiran yihiin waddooyinka Muqdisho, loona diidayo inay dadka iyo gaadiidku maraan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya