Sheekh Shariif oo Bristol, UK kaga Ddhawaaqay Urur Samafal ah (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 25, 2015 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Somalia, Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa magaalada Bristol ee dalka Britain xalay kaga dhawaaqay urur samafal oo lagu maga-caabay Samadoon Foundation.

Xafladda looga dhawaaqidda ururkan samafal ee cusub oo lagu qabtay Hotel Bristot ayaa waxaa ka qaybgalay madax kala duwan oo ay ka mid ahaayeen; guddoomiyaha magaalada Bristol, Gerorge Ferguson, Hibaq Jaamac oo laga soo doortay xaafadda Lewrence Hill ee Bristol, ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Nuur Cade, Jen. Axmed Taajir, fannaaniin, guddoomiyaha ururkan, Prof. Warfa Xasan iyo dadweyne kale oo fara badan.

“Ururkan cusub ee Samadoon Foundation wuxuu diiradda saari doonaa dib-u-hishisiinta, waxbarashada iyo caafimaadka,” ayuu yiri Prof. Wafaa Xasan oo ah guddoomiyaha guud ee ururkan samafal oo kulanka ka hadlay.

Sidoo kle, Hibaaq Jaamac oo ah gabar Soomaaliyeed oo xaafad Bristol ka mid ah laga soo doorto ayaa iyaduna ku nuux-nuuxsatay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo ururkan qeyriga ah ay soo dhaweynayaan shacabka ku nool Bristol, isla markaana ka codsatay Sheekh Shariif inuu sannadkiiba mar yimaado Bristol.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka warbixiyay ururka, isagoo sheegay inuu muddo fog ka shaqeynayay sidii uu ururkan u dhisi lahaa, ka baaraan-daggiisana uu billaabay markii uu Boston yimid, kaddibna dalalka Uganda iyo Imaaraadka Carabta.

“Markaan la tashiyo badan sameeyay aanan u arkay in loo baahan yahay in aan wax ka qabano, inuu sameeyay ururkan samafal oo howlihiisu ay ka mid yihiin in la helo dib-u-heshiisiinta dhab ah; calooshana la isku furo. Waxaa kaloo ka mid ah howlaha uu ururkan qaban doono, wax ka qabashada horu-marinta waxbarashada dalka baahi weyn loo qabo iyo caafimaadka oo isna ka mid ah waxyaabaha ay bulshada Soomaaliyeed dhibaatada wey u qabto, gaar ahaan dhallaanka iyo hooyada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa xusay inuu ururkan samafalka ah ka madax-bannaan yahay siyaasadda, isagoo goobta u mahad-celiyay gabi ahaan madaxdii kasoo qaybgashay xafladda, fanaaniinta, bahdda saxaafada iyo dadweynihii kale ee goobjoogga ahaa.

Haddii aad faah-faahinno dheeraad ah oo ku saabsan ururkan samafalka ah u baahato, booqo; http://www.samadoonfoundation.org/home.html.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya