Xasan Sheekh iyo Erdogan oo Maanta xarigga ka jaray Mashaariic kala duwan


Axad, Janaayo 25, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo ay wehliyaan xaaskiisa, xubno ka tirsan golaha wasiirrada dalka Turkiga iyo saraakiil sare ayaa maamta soo garaaray Muqdisho, iyadoo ay si wadajir ah u fureen madaxweynaha Somalia iyo dhiggiisa Turkiga Terminal-ka cusub ee lagu kordhiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Adan Adde.

Labada madaxweyne ayaa intaas kaddib waxay sidoo kale si wadajir ah xariga uga jareen isbitaalka Digfer oo dib loo dhisey looguna magac-darey xarunta culuunta Cilmi-barista Soomaaliya iyo Turkiga, kaasoo gacan weyn ka geysanayaa inuu daboolo baahida caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Erdogan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashaariicdaan ay astaan u yihiin xiriirka iyo walaaltinimada qotada dheer ee labada dal ka dhexeysa, Turkigana uu ogsoon yahay in Soomaaliya ay ka jiraan baahiyo bulsho oo caafimaadku ugu horreeyo.

“Waanu idin garab-taagannahay, farxad ayayna ii tahay in aan mar kale aan Muqdisho dib ugu soo laabto si aan u dhiirri-geliyo taageerada aan idiin hayno. Waana hubaa inaad ka gudbi doontaan caqabadaha jira, waana muuqataa in is-beddel weyn uu ka jiro Somalia marka loo eego safarkeygii hore iyo mid aan maanta ku imid Muqdisho,” ayuu yiri Erdogan.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna sheegagy in furitaanka xaruntan ay taariikh lama ilaabaan ah u tahay Soomaaliya. Isagoo yiri. “Maanta oo la furayo Isbitaalka culuunta caafimaadka iyo cilmi-baarista Soomaaliya iyo Turkiga, ma ahan oo keliya in dowladda Turkiga ay Somalia ka caawinayso sidii adeeg caafimaad oo tayo leh loogu fidin lahaa shacabka Sooomaaliyeed, balse waxaa iyana daba-socota sidii loo tababbari lahaa jiilka soo socda oo noqon doona hawl-wadeennada caafimaadka Soomaaliya.”

Xasan ayaa intaas ku daray. “Taageeradan waxay inoo saamaxaysaa inay adeegyada iyo xirfadaha sida aadka ah loogu baahan yahay la gaarsiiyo meel walba oo Soomaaliya ah iyo inaan billowno nidaam qaran oo tayo leh, kaasoo shacabka loogu fidinayo adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin.’’

Labada dhinac ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa furitaanka mashaariicda kala duwan kaddib waxaa wadahadal la xiriira iskaashiga labada dal ay ku yeesheen xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saaray mashaariicda horumarineed ee Turkigu kawado Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira iskaashiga dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, arrimaha bulshada, militariga iyo kuwo kale oo muhiim ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya