Madaxweynaha Turkiga oo Xarigga ka Jaray Isbitaalka DIGFEER ee Muqdisho


Axad, Janaayo 25, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta markii labaad xarigga ka jaray isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, kaasoo uu shalay oo Sabti ahayd uu si rasmi ah uga jaray xarigga wasiirka caafimaadka Turkiga, Mehmet Müezzinoğlu.

Erdogan ayaa sheegay in mashaariicda ay dowladda Turkiga ugu talo-gashay Somalia ay tahay mid billow ah, isla markaana ay sii socon doonto illaa ay dib u dhisaan Soomaaliya, iyadoo isbitaalka Digfeer loo bixiyay Recep Tayyip Erdogan.

Wasiirka caafimaadka Turkiga, Mehmet Müezzinoğlu oo qayb ka ah wafdiga ayaa isna sheegay in isbitaalo kale ay dib u dhis ku sameyn doonaan, taasoo uu xusay inuu qayb ka yahay dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Somalia Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Turkiga Recep Erdogan oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin kala duwan ayaa xarig-jarka kaddib booqday gabi ahaan qaybaha kala duwan ee Isbitaalka Digfeer, waxaana Isbitaalkan uu adeegyo caafimaad oo kala duwan u fidin doona dadka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay furitaanka Isbitaal Digfeer ayaa sheegay in Isbitaalkan loogu adeegi doono bulshada Soomaaliyeed, isagoo ga si weyn ugu mahad-celiyay dowladda Turkiga oo dhistay isla markaana qalabeysay.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay kaga maarmi doonaan Isbitaalka inay caafimaad dalka dibadiisa u aadaan, marka loo eego sida casriga ah ee uu u dhisan yahay.

Madaxweynaha dalka Turkiga iyo wafdigiisa ayaa goor-dhow loosoo galbiyay xarunta madaxtooyada Somalia, halkaasoo ay ku wada-qadeyn doonaan isla markaana ay si wadajir ah u qaban doonaan shir jaraa’id oo ay faahfaahinno kaga bixin doonaan heshiisyo ay kala saxiixanayaan labada waddan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya