Diyaar-garowga soo dhaweynta Erdogan oo Garoonka Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, Janaayo 25, 2015 (HOL) — Diyaar-garow xooggan ayaa loogu jiraa soo dhaweynta madaxweynaha Turkiga iyo wfdigiisa, iyadoo Muqdisho ay saaka soo gaareen wariyeyaal iyo wafdi Turki ah, kuwaasoo qayb ka ah wafdiga Recep Tayyip Erdogan.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa lagu xardhay sawirrada madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan, waxaa kaloo lagu sharraxay garoonnka calammada dalalka Turkiga iyo Somalia; iyadoo amniga garoonka diyaaradaha ay si aad ah u adkeeyeen ciidammo ka tirsan kuwa amniga Soomaaliya.

Kooxaha baambeyda ayaa lagu diyaarsan garoonka diyaaradaha Adan Adde ee Muqdisho, iyadoo sidoo kale lagu diyaariyay ciidamada qalabka sida ee Somalia si ay salaan sharaf siinaya madaxweynaha Turkiga oo la filayo inuu goor-dhow soo gaaro Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Cismaan Jawaari, iyadoo ay sidoo kale ku sugan yihiin mas’uuliyiin kala duwan oo dowladda Somalia ka tirsan.

Booqashada ayaa noqonaysa tii labaad oo uu madaxweynaha Turkiga ku yimaado Somalia, iyadoo la adeeyay amniga guud ee Muqdisho, wuxuuna ka furi doonaa Erdogan uu xarigga ka jari doono mashaariic ay hay’adaha Turkigu ka hir-geliyeen Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, mashaariicda uu Recep Tayyip Erdogan furayo maanta ayaa waxaa ka mid ah Terminal cusub oo Turkigu ay hirgeliyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya