Axad, Janaayo 25, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xaaskiisa ay ku jirto ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Booqashada Erdogan oo ahayd tii labaad oo uu Somalia ku yimaado ayaa horay u yimid Somalia sannadkii 2011-kii xilligaas oo ay Somalia dhibaato ka taagnayd, wuxuuna xilligaas ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga.
Erdogan ayaa xarigga ka jaray Terminal cusub oo lagu kordhiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, isagoo sidoo kalena xarigga ka jaray Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho oo isaga loogu magic-daray.
Mashaariicda uu madaxweynaha Turkigu xarigga ka jaray ayaa gabi ahaan ahaa kuwo ay hay’adaha Turkigu ka hirgeliyeen Muqdisho, isagoo sheegay in howlaha horumarinta Somalia ay sii socon doonaan.
Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa amaanay kaalinta ay dalka Turkigu kaga jiraan horumarinta Somalia, isagoo sheegay in haddii aysan u soo gurman lahayn Somalia aysan xaaladda Somalia maanta sidan ahaateen.
Ugu dambeyn, madaxweynaha waddanka Turkiga ayaa wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee dalkiisu ku yaallo Qaaradda Yurub oo soo gaara magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
.jpg)




