Erdogan oo xariga ka jaray Terminalka ee lagu kordhiyay garoonka Muqdisho


Axad, Janaayo 25, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan ayaa garoonka xarigga ka jaray Terminal-ka cusub ee garoonka diyaaradaha Soomaaliya lagu kordhiyay, isagoo ku xarig jaridda ku billabay magaca Alle iyo bisinka.

Recep Erdogan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kala soo qaybgalo, xarig jarka Terminal-ka cusub, isgaoo u mahad gaar ah u celiyay shirkadda FAVORI LLC ee laga maamusha garoonka, lagana leeyahay dalka Turkiga, wuxuuna sheegay in shirkadaha Turkiga ay howlaha horumarineed halkooda kasii wadaan.

“Waxaan maanta ku faraxsanahay inaan furo Terminal-ka cusub ee lagu soo kordhiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, caawinta shacabka Soomaaliya waan sii wadaynaa,” ayuu yiri Erdogan.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa isaguna hadlay oo u mahadceliyay dowladda Turkiga iyo shacabkeeda oo uu sheegay inay yihiin walaalo aanay illoobi karin gacanta ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxweyne kusoo dhawoow dalkaagii labaad, waxaana idin kaga mahad-celinaynaa mashaariicda ay ka fuliseen Somalia, kuwaasoo ah kuwo aanay shacabka Soomaaliyeed illaawi doonin,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Xarig-jarka kaddib labada madaxweyne waxay aadeen Isbitaalka Digfeer oo uu mar kale xarigga ka jari doono madaxweynaha dalka Turkiga, inkastoo uu shalay uu xarigga si rasmi ah uga jaray wasiirka caafimaadka Turkiga oo kaga soo horreeyay Muqdisho.

Madaxweyaha Turkiga Erdogan ayaa la guddoonsiiyay hadiyado uu ka mid yahay kitaabka Qur’aanka Kariimka, isagoo sheegay in hadiyaddan ay tahay mid aad qaali u ah.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadan ayaa waxay noqonaysaa tii labad oo uu madaxweynaha Turkiga ku yimaado Muqdisho, waxaana wafdigan ay joogi doonaa Muqdisho illaa gellinka dambe ee maanta. Isagoo inta uu Muqdisho joogo kulammo la yeelan doono madaxda dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya