Jimco, December 05, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Cayn oo ka mid ah gobollada uu ka taliyo maamulka Khaatumo, Cabdikariin Maxamed Cilmi (Cabdi-weyne) oo maanta ka hadlayay shir waxbarashada looga hadlay oo ka dhacay magaalada Buuhoodle ayaa si aad u adag u dhaliilay nidaamka ay dadka wax u baraan dugsiyada gobolkaas ku yaalla.
Cabdi-weyne ayaa sheegay inuu aad u hooseyso tirada ardayda wax-ka-barata dugsiyada, isagoo sheegay in la furtay iskuulo been abuur ah oo nidaam ganacsi u shaqeeya, kuwaasoo uu xusay in meesha laga saari doono.
Isagoo ka hadlayay arday ka booda waxbarashadda fasallada qaar oo loo gudbiyo fasal aysan gaarin ayuu xusay inuusan jiri doonin arday aan haysan shahaadada dugsiga dhexe inuu sii fadhiyo iskuullada sare ee gobolka.
Ugu dambeyn, wuxuu guddoomiyuhu amarro dul-dhigay maamulayaasha dugsiyadda gobolka Cayn, isagoo dhanka kale mamnuucay in wax fasaxa la siiyo imtaxaanka dhexe ardada dhigata fasallada 8-aad iyo 12-aad.
Hadalka kasoo baxay guddoomiyaha waxbarashada gobolka Cayn ayaa ku soo beegmaya xili mudooyinkii danbe lagu hawlanaa dadaallo kor loogu qaadayo tacliinta deegaanka oo xiligan hoos u dhac weyn laga dareemayo.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool