Jimco, December 05, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa lagu qabtay maanta xaflada ay ku qalin-jabinayeen 40-arday oo Jaamacadda Koonfur-galbeed Somalia ee Baydhabo ka bartay Maamulka iyo Maareynta, kuwaasoo ah dufcaddii toddobaad ee ka baxa Jaamacadda.
Xafladda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, culummaa'uddiinka iyo aqoonyahannada Koonfurta Somalia iyo madaxda jaamacadaha gobalka.
Mas’uulka ugu sarreeyo Jaamacadda, Dr. Maxamed Cali Kalaay isagoo ka warbixiyay warbixiyey taariikhda Jaamacdda iyo heerarka kala duwan ee ay soo martay tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2008-dii, isagoo ugu baaqay inay ardayda kasoo qayb galaan Jaamacadda si ay u helaan aqoon ku filan .
Ugu dambeyn, gabagabadii xafladda ayaa waxaa ka hadlay mas’uul shirkada Hormuud ka tirsan oo lagu magacaabo, Cabbaas Shariif, isagoo ardaydii ka qalin-jabiyay jaamacadda guddoonsiiyay hadiyado kala duwan; isagoo sidoo kale su’aalo diin iyo kuwo guud weydiinayay ardayda iyo dadweynihii kale ee kasoo qayb-galay xafladda.
Hiiraan Online, Baydhabo