DANJIRE AMERIKO: Kenya waan kala hadalnay inaan Somalida la dhibaateyn


Jimco, December 05, 2014 (HOL) — Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo maanta u warramayay Idaacadda dowladda Somalia ee Radio Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka dhinaca xuduudaha badda ah ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya iyo saameynta ay Soomaalida ku nool dalka Kenya ku yeesheen dilal ay Al-shabaab deegaanno ka tirsan Kenya ka geysatay.

Danjire Ameeriko ayaa ugu horreyn ka hadlay dilal kala duwan oo Kenya ay ka geysatay Xarakada Al-shabaab, isagoo xusay in falkaas uu ahaa mid ay aad uga xun yihiin ka dowlad ahaan ayna cambaareeyeen.

“Innagu waan u sheegnay in falkaas uu ahaa mid khalad ah oo ay geysteen kooxo argaga-xiso ah, waanan u sheegnay xukuumadda Kenya inay dilalkaas ahaayeen kuwo khalad ah oo aan aad uga xunnahay,” ayuu yiri danjiraha oo ka hadlayay dilal ay 64-qof oo Kenyan ah, kuwaasoo ahaa masiixiyiin.

Sidoo kale, danjiraha wuxuu xusay in Al-shabaab ay doonayso inay kala qaybiso shacabka Kenya, wuxuuna xusay in Kenya ay ku nool yihiin Somali fara badan oo ay ka mid yihiin arday wax ka barta dalkaas iyo ganacsato.

DHAGEYSO: Hadalka Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko

“Waan la hadalnay Soomaalida ku nool Kenya, waxaana u sheegnay inay is-dajiyaan oo ay taxadaraan, waxaana u ballanqaadnay safaarad ahaa in haddii ay wax dhacaan aan caawin doonno. Dowladda Kenyana waxay noo sheegtay inaysan dhici doonin dhibaatooyin loo geysto Soomaalida,” ayuu ku daray hadalkiisa danjire Ameeriko.

Danjiraha oo sii hadlayay ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka Kenya ay ku wargeliyeen in haddii ay qof Soomaali ah dambi ku qabtaan in maxkamad la horgeeyo oo aysan maalin ka badan xabsiga lagu hayn, iyaguna ay diyaar u yihiin inay dalkiisa ku celiyaan haddii ay dambi ku helaan.

Mar uu danjiruhu ka hadlay muranka xuduudaha badda ee Somalia iyo Kenya u dhexeeya, isagoo sheegay in dacwaddan aysan tahay mid dhibaato dhex-dhigtay labada dowladood, ayna wadashaqeyntoodu tahay mid aad u wanaagsan.

“Waxaanu qabnaa ka dowlad ahaan in dacwadan ay tahay mid lagu doonayo in si sharci ah lagu kala baxo, innaguna ma ogolaanayno in qayb ka mid ah dhulkeenna la iska sheegto,” ayuu hadalkiisa raaciyay danjiraha Somalia ee u fadhiya dalka Kenya.

Ugu dambeyn, danjire Ameeriko wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku doodayso inay iyadu leedahay badda lagu muransan yahay, uuna yahay mid Somalia ay si sharci ah u leedahay, balse intiii dagaalladu jireen ay Kenya is-xijinaysay, balse waxaa lagu kala bixi doonaa maxkamadda xuduudaha caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya