Jimco, December 05, 2014 (HOL) — Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis ee kasoo jeeda gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa shir ay iskugu yimaadeed kaddib waxay ugu baaqeen beelaha deegaanka Xarar-dheere inay xal deg deg ah ka gaaraan colaadaha ka soo cusboonaaday gobolka Mudug.
Odayaashii iyo waxgaradkii ka soo qeybgalay kulnkaas ayaa shegay in colaadaha xilligan ay dib u dhac ku yihiin gobolka iyo dalka oo dhan, waxayna sheegeen inay gacan ka gey-sanayaan sidii loo xallin lahaa dhibaatadaas oo ay ku naf waayeen 15 qofood, halkan 25 kale ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen.
“Waa dagaal micno darro ah, waxaana ugu baaqeynaa dadka deegaanka inaysan mar kale soo laaban dhibaatada nuucaan ah” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo ka mid ah jaaliyadda kazoo gobollada dhexe ee ku nool Minneapolis.
Dalmar Xaashi oo isna ka mid ah ganacsatada gobolka ayaa ku boorriyay waxgaradka ka soo jeeda deegaankaas inay ku baxaan goobihii iska hor imaadku ka dhacay.
Guddoomiyaha guurtida Hawiye ee Minneapolis Suldan Cusmaan Koofi ayaa isna sheegay in wax laga xumaado ay tahay dagaallada xilligan ee gobolada dhexe, wuxuuna Odayaasha degaanka ugu baaqay inay si shuruud la’aan ah xal uga dhaliyaan deegaankaas.
War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen jaaliyadda gobollada dhexe kasoo jeeda ee ku nool iyo Odayaasha guurtida Hawiye ayaa waxaa ku saxiixnaa Ugaas Yusuf Xassan Warsame, Khaliif Cali Shire, Cabdi Xaashi, Ugaas Maxamed Ugaas Shuuke, Suldaan Cusmaan Koofi, Iimaam Asad Maxamuud, Cusmaan Siyaad Farbuur, Daahir Diiriye Qooryare, Cllaahi Cali Cawaale, Fahad Xasan Cali, Cali Balcad, Raaxo Ugaas, Sahro Cali Faadumo Salaad, Suweys Khaliif, Shukri Garre, Xaaji Maxamuud Siyaad, Xaahi C/llaahi Axmed Cadaawe, Dalmar Xaashi iyo Luul Salaad.
[email protected]
Minneapolis, Minnesota