
Jimco, December 05, 2014 (HOL) — Maxkamadda dambiyada dagaalka caalamka ee ICC ayaa shaacisay manta oo Jimco ah inay tuurtay dacwadihii bani’aadamnimo ee loo haystay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.
Dacwad-oogaha maxkmaadda ICC, Fatou Bensouda ayaa sheegtay inay dacwada dib u soo celin karaan dacwadda loo haysto Kenyatta haddii la helo caddeymo cusub. Iyadoo xusay in la waayay hadda caddeymo ku filan dacwaddan.
Garsoorayaasha maxkamadda ICC ayaa qoraal ay soo saareen Arbacadii ku sheegay inay muddo hal toddobaad ah u qabtay in xeer-ilaalinta maxkamadda ay u keento caddeymo ku filan dacwadda loo haysto Kenyatta, iyagoo xusay in dib u dhac ku yimaada ay tahay mid ka horimaanaysa cadaaladda, iyadoo maanta si cad loogu dhawaaqay in dacwaddaas loo waayay wax caddeymo ah.
"Caddeymo ku filan uma hayno dacwadda loo haysto Uhuru Kenyatta, taasoo keentay in maxkamaddu ay joojiso dacwadda inta ka helayaan caddeymo cusub,” ayay Bensouda ka sheegtay maanta maxkamadda horteeda.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa loo haystaa dacwado ka dhan ah bani’aadamnimada ah oo ka dhacay dalka Kenya, kaddib doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday sannadkii 2007-dii taasoo ay siyaasiyiintu ku murmeen.
Billowgii bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii Kenyatta uu u dhoofay dalka Holland si uu goobjoog uga ahaado dacwadda dhanka bani’aadamnimada ah ee loo haysto, isagoo xilka u dhaariyay ku xigeenkiisa.
Uhuru Kenyatta 52-jir ah ayaa sheegay in sababta uu xilka u wareejiyay ay tahay in isagoo ah madaxweynaha Kenya; isla markaana matalaya malaayiin qof oo Kenyan ah uu hortago maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Kenya weli kama hadlin go’aanka ay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ku gaartay inay dacwadihii loo haystay ee dhinaca bani’aadamnimada ah tuurto maanta.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya