JAWAARI: Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu ii sheegay in uu ku Kalsoon yahay B.F.S

Jimco, December 05, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaaka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo ka hadlayay kulankii baarlamaanka ee ay uga doodayeen mooshinka ka dhanka ah xukuumadda RW C/weli Sheekh ayaa sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu u sheegay inuu ku kalsoon yahay go’aan walba oo baarlamaanka kasoo baxa.

Jawaari ayaa tilmaamay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu warqad u soo diray uuna u sheegay inuu baarlamaanka ku kalsoon yahay oo uu doonayo in mooshinka cod loo qaado.

“Ra’iisul wasaaraha wuxuu xaq u leeyahay inuu baarlamaanka Somalia hor-yimaado oo uu iska difaaco eedaha loo jeediyay xukumaddiisa, balse wuxuu go’aan-saday in arrintiisa ay baarlamaanka go’aan ka gaaraan,” ayuu yiri Jawaari.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa billlabaay inay ka doodaan mooshinkii laga keenay ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa, iyadoo lagu wado in maalinta Sabtida ah ee berri ah codka kalsoonida ah loo qaado.

In ka badan 138 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii hore ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa kasoo gudbiyay mooshin kalsooni kala laabasho ah, iyadoo dhowr jeer uu muran galay mooshinka, balse intii lagu jiray toddobaadkan go’aan lagu gaaray in mooshinka cod loo qaado.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh oo muddo hal sano ah haya xafiiska ayaa waxaa khilaafka sababay in mooshin laga keenay uu ahaa mid isaga iyo madaxweynaha soo dhexgalay, kaddib markii uu isbedel kooban ku sameeyay golihiisa wasiirrada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya