
Jimco, December 05, 2014 (HOL) — Booliiska degmada Baydhabo ayaa ku soo bandhigay magaaladaas hub iyo rag ay sheegeen inay Al-shabaab ka tirsan yihiin oo howlgallo laga sameeyay Baydhabo lagu soo qabqabtay.
Maalmihii lasoo dhaafay ayay ciidamada booliiska Baydhabo waxay howlgallo kala duwan ka wadeen xaafadaha degmada, kuwaasoo ay ku baareen guryaha iyo goobaha ganacsiga, iyagoo sheegay inay kusoo qabqabteen hub aad u fara badan.
Taliyaha qaybta booliiska gobolka Bay, Col. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in howlgalladaas loogu talo-galay in lagu xaqiijiyo ammaanka, isagoo intaa raaciyay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu adkeynayo amniga.
“Howlgalladan waxay ahaayeen kuwo lagu adkeynayay amniga, iyadoo lagu sameynayay goobaha ganacsiga ee Baydhabo ku yaalla iyo guryaha,” ayuu yiri Col. Mahad oo intaas ku daray in howlgalladan ay ahaayeen kuwo ay si wadajir ah u sameynayeen ciidamada amniga gobolka iyo kuwa AMISOM.
Sidoo kale, taliyaha ayaa ka digay in hub shari-darro ah lagu dhex-wato magaalada, isagoo tilmaamay in haysashada hubka ay tahay mid dambi ah qofkii lagu helana sharciga lala tiigsan doono.
Degmada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka socda dalka Itoobiya oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), waxayna ka wadeen Baydhabo labadii toddobaad ee lasoo dhaafay howlgallo baaris ah.
Tallaabadan ay booliiska Baydhabo kusoo bandhigeen hubka iyo xubnaha Al-shabaab ka tirsan ayaa kusoo beegmaya xilli maalin ka hor lagu caleemo-saaray madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, taasoo ay ka qaybgaleen xubno uu ku jiray madaxweynaha Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya