
Jimco, December 05, 2014 (HOL) — Qarax Is-miidaamin ah ayaa goor-dhow ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaasoo lala beegsaday maqaayad uu horay qarax ismiidaamin ah oo noocan oo kale ah loola beegsaday.
Inkastoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkan ayaa haddana wararka hordhaca ah waxay sheegayaan inuu sababay khasaare fara badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii goobtaas ku sugnaa.
Weerarkan Is-miidaaminta ah ayaa ka dhacay meel ku dhow xarunta shirkadda Dahab-shiil ay ku leedahay Baydhabo, iyadoo dadka deegaanka laga soo xigtay in qaraxan uu khasaare badan dhaliyay.
Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan ismiidaaminta ah, laakiinse weerarkii kan ka horreeyay oo lagu weeraray xubno ka tirsan maamulka lixda gobol ee Baydhabo lagu dhisay ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab.
Qaraxan Is-miidaaminta ah ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor ay ka dhacday Baydhabo xaflad lagu caleemo-saarayay Shariif Xasan Sh. Aadan oo loo doortay bartamihii bishii la soo dhaafay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.
Wixii warar ah ee kusoo kordha Qaraxan waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya