Mudaaharaadyo Rabshado Wata oo Mar kale ka Qarxay Magaalada New York

Jimco, December 05, 2014 (HOL) — Boqolaal ruux oo dibad-baxayal ah ayaa mar kale isugu soo baxay waddooyinka magaalooyin dalka Maraykanka ku yaalla, kuwaasoo wali ka caraysan go’aankii lagu sii daayay askari cadaan ah oo dil toogasho ah ku dilay wiil dhalinyaro madow ah oon hubaysanayn.

Kristaen Soloomey oo ka tirsan Al-jazeera ayaa soo warisay in boqolaalkan ruux ay isugu soo baxeen halka lagu magacaabo Manhattan  ee magaalada New York,waxaana ay dalbanayeen in dib u eegis lagu sameeyo dacwaddii lagu fasaxay askariga cadaanka ahaa.

Waxaa dowladda ay ku eedeeyeen in ay iska indha tirayso beegsiga lagu hayo dadka madowga ah ee Maraykanka ,iyadoo ciidamo fara badan lagu soo daadshay goobihii ay dadku ku dibad-baxayeen ,waxaana la arkayay diyaarado dul-heehaabaya dusha mudaharadayaasha.

“Dareen kacsan ayaa laga dheehan karaa mudahraadka socda ,waxaana jirta cabsida laga qabo in la xakamayn kari waayo dibad baxan “ayey tiri wariyaha o tilmaamay in arintan oo markii hore loo arkayay mid caadi ah ay isu badali karto talaabo qaran.

Booliiska ayaa sheegay in xabsiga la dhigay dad gaaraya 83-ruux ,kuwaasi oo ka biya diiday in ay si nabad ah uga qayb-galaan mudaharaadka ka dib markii lagu dhawaaqay xukunka lagu fasaxay askariga dilay Eric Garner bishi hore.

Dib-badxayaal dhan 200 oo ruux oo kale ayaa iyagana la xiray xili ay isugu soo baxeen Jaamacadda Austin ,waxaana booliska Washington ka walaacsan-yihiin in dibad baxu uu arintan ka sii ballaarto ,waxaana maalmo ka hor ku dhawaaqay in uu is casilay askarigii dilay wiilka madowga ah.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]