Qarax Khasaare geystay oo Maanta ka Dhacay Suuqa Degmada Waajid

Sabti, May 10, 2014 (HOL) — Degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa waxaa ka dhacay maanta qarax aad u weyn oo ah kuwa laga hago meelaha fog-fog , kaasoo la dhigay suuqa weyn ee loo yaqaanno Siinaay, waxaana ku dhintay laba qof iyadoo ay ku dhaawacmeen toddoba qof oo kale.

Dadka dhintay ayaa ka mid ahaa dadka Waajid ku nool oo middood ay haweeney ahayd, halka toddobada kalena ay u badnaayeen dadkii ku ganacsanayay suuqa uu qaraxu ka dhacay, kuwaasoo dhaawacyadooda la geeyay goobo caafimaad oo aad uga liita adeegyada caafimaadka.

Lamana oga cidda dhab ahaan uga dambeysa qaraxan khasaaraha nafeed geystay; iyadoo ciidamada amniga wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii qaraxaas ka dambeeyay.

Waajid ayaa ka mid ahayd degmooyinkii ugu dambeeyay ee ciidamada AMISOM iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab, iyadoo degmadu ay tahay mid aysan tegin gaadiidka ganacsiga, kaddib markii ay Al-shabaab isku hareereeyeen ayna u diideen gaadiidka ganacsiga inay degmadaas galaan.

Gaadiid wada raashin gargaar ah ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo kuwaa oo ku socda degmada degmooyinka Waajid iyo Xudur, gaadiidkaas oo ay la socdaan ciidamada AMISOM oo wata gaadiidka gaashaaman.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in gaadiidkan gargaarka wada ee ay la socdaan ciidamada AMISOM ay dhowr jeer weerarro kula kulmeen inta u dhexeysa Wanla-weyn iyo Baydhabo, iyagoo jidka kusoo jiray shan maalmood oo xiriir ah.

Berri oo Axad ah ayaa lagu wadaa in gaadiidkaan ay u dhaqaaqaan degmooyinka ay ku socdaan ee gobolka Bakool, iyadoo roobab xooggan ay ka da’een gobollada Bay iyo Bakool, Al-shabaabna ay ku sugan yihiin jidadka isku xira gobollada Bakool iyo Bay oo qaybo ka mid ah ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

Hiiraan Online, Baydhabo