Ra'iisul Wasaare C/weli oo la filayo in Puntland uu booqasho kusoo gaaro



Sabti, May 10, 2014 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa lagu wadaa in toddobaadkan gudihiisa ay booqasho kusoo gaaraan magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Warar hoose oo warbaahintu ay heshay ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaaruhu uu magaalada Garoowe soo gaari doono maalinta Isniinta ee soo socota, dhowr maalmoodna uu joogi doono.

Muddada uu C/weli Sheekh Garoowe ku sugan yahay, wuxuu la kulmi doonaa madaxda sare ee Puntland, waxaana arrimaha uu kala hadli doono ugu muhiimsan sidii loo xallin lahaa khilaaf sannadkii hore Puntland iyo Dowladda Federaalka ah soo kala dhex galay.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysey ee Ra'iisul Wasaare C/weli uu Puntland ku yimaado tan iyo markii xilka loo dhaariyey December 21, 2013 xilligaas oo hadda muddo shan bilood ku dhow laga joogo.

Xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalku ma ahayn mid wanaagsan laga soo bilaabo August 6, 2013 markaas oo Maamulka Puntland uu shaaciyey in gebi ahaanba uu xiriirka u jaray dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya