Ardeyda Iskuullada Kismaayo oo u fariistay imtixaankii sannadka (SAWIRRO)


Sabti, May 10, 2014 (HOL) — Ardeyda wax ka barata iskuulada degmada Kismaayo ayaa maanta u fariistay imtixaanaadkii sanad dugsiyeedka 2013-ka iyo 2014-ka, iyadoo ardeyda imtixaanaadka ka qeybgaleeysa sanadani  ay aad uga badan tahay sannadii hore.

Guddoomiyaha dallada waxbarashada Jubooyinka Axmed Faarax Cali Aweys oo maanta shir  jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in guud ahaan ardeyda wax ka barata magaalada ay manta u fariisteen imtixaanaadkii sanad dugsiyeedka 2013-2014, isagoo sheegay in sanadkan ay imtixaanka u fariisteen ardey gaareeysa 9345 ardey, tiradaasuu uu sheegay iin ay aad uga badantahay tirada u fariisatay  sanadii hore.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaaladda  waxbarasho ee degmada Kismaayoo ay aad uga soo reeyneeyso, isagoo xusay in ay  soo badanayaan tirade ardeyda kusoo biireeysa  iskuulada  si ay wax u bartaan.

“Iskuullada tayadooda waxbarasho aad bay u wanaagsantahay, laakiin waxa  jirto dhibaatooyin ka heysta dhinaca dhaqaalaha, oo macalimiintu ma helaan mushaaraad ku filan, waxa lagu wadaa guno yar oo laga qaado waalidiinta dhashay  ardeyda wax ka barata iskuulada,” ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.

Mas’uulkan ayaa ugu  danbey ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba in ay gacan ka siiyaan iskuulada dhanka mushaaraadka macalimiinta iyo qalabka waxbarasho ee ay u baahanyihin, isagoo sheegay in ay jirto tiro  aad u badan oo arday aan waxbaran ah, kuwaasoo awoodi waayay in ay bixiyaan lacagaha laga qaado ardeyda wax ka barata iskuulada.

Xasan  Nuur, Hiraan  Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya