Guddoomiyaha G/Jubbada Hoose oo lagu Wareejiyay gurigiii hore ee Gobolka


Sabti, May 10, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni ayaa manta si rasmi ah loogu wareejiyay  xaruntii hore ee gobolka ee loo yaqaan K2 halkaasoo mudooyinkii u danbeeyay saldhig u ahayd ciidamada ammaanka maamulka Jubba.

Xaflad si heersare  loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo wasiiro ka tirsan maamulka  Jubba, gudoomiyaha degmada iyo saraakiil ciidan islamarkaana ka  dhacday xarunta K2 ayaa gudoomiyaha  gobolka loogu wareejiyay xarunta goblka ee uu ku shaqeyn jiray godoomiyaha gobolka J/hoose xilligiii dowladdiii dhexe ee Soomaaliya.

Ugu horreyn, waxaa goobta ka hadlay taliyaha  ciidamada ammaanka  maamulka Jubba Col Gaboobe Xasan  Barre, wuxuuna sheegay in laga bilaabo  manta  ay si rasmi ah ugu wareejiyay xarunta K2 gudoomiyaha gobolka J/hoose.

Guddoomiyaha goobolka J/hoose Mudane C/rashiiid Gooni oo isna goobta ka hadlay  ayaa sheegay in ay  dayactir ku sameyn doonaan guriga gobolka isla markaana ay ka furi doonaan dhamaan  xafiisyadii kala duwanaa ee gobolka.

Xarunta K2 oo ay sidoo kale ku taal idaacadda ku hadasha afka maamulka ee Radio Kismaayo ayaa saldhig u ahaan jirtay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka maamulka Jubba.

Xasan  Nuur, Hiiraan  Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya