Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay lacagihii Calaamku ugu deeqay Somalia


Sabti, May 10, 2014 (HOL) — Madaxweyanaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in deeqihii lacageed ee beesha calaamku ay ugu yaboohday Somalia aysan weli soo gaarin, balse ay filayaan in dhawaan la billaabo maareynta lacataas, kaddib markii iyaga iyo beesha caalamka ay iskua af-garteen habka lacagahaas loo bixinayo.

Xasan Sheekh ayaa sababaha lacagahaas loo bixin waayay ku sheegay in dowladda Somalia iyo dalalka lacagaha ku yaboohay ay wadeen wixii hadda ka horreeyay qaabkii loo maareyn lahaa lacagahaas; balse hadda ay mareeyeen meel gaba-gabo ahna ay marayso, isagoo xusay in deeqahaas lacageed loo fulin doono sidii loogu talo-galay.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay in dowladdiisa iyo waddamada lacagaha ku yaboohay wixii hadda ka horreeyay aysan u dagsanayn qorishihii lagu maareyn lahaa lacagahaas, balse ay hadda ku guuleysteen inay dagsadaan qorshe cad oo lacagaha deeqaha ah lagu maareynayo.

“Beesha calaamku lacago badan ayay ugu deeqday Somalia, waxaana lacagtaas la doonayaa in wax looga qabto arrimaha horumarinta dalka oo ay ugu horreyso dib u dhiska, runtiina waxaan filayaa in dhawaan la billaabi doono mashaariicdii loogu talo-galay lacagahaas,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay kulan ka dhacay Xalane.

Dalal badan ayaa ayaa dowladda Soomaaliya ugu yaboohay lacago aad u tiro badan oo loogu talo-galay in dowladdu ay ku maareyso sugidda amniga, waxbarshada, caafimaadka, dib-u-dhiska iyo guud ahaan horumarinta dalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inaysan weli lacagahaas gacanta dowladda soo gelin, inkastoo madaxweynuhu ay tahay markii ugu horreysay oo uu ka dhawaajiyo in lacagahaas dhawaan lagu fulin doono howlihii loogu talo-galay.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ugu baaqeen madaxweynaha inuu xilka ka dago, iyagoo tasa sabab uga dhigay xil-gudasho la’aan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya