Afar caruur ah oo ku dhintay war-biyood ku taala duleedka degmada Diinsoor

Sabti, May 10, 2014 (HOL) — Afar cunug ayaa maanta ku dhintay war-biyood ku taalla duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay, taasoo ay ku dabaalanayeen xilli roobabka guga ay si wanaagsan uga da’een gobolkaas.

Caruurtan ayaa la sheegay in biyaha ay gudaha u galeen shalay oo Jimco ahayd, taasoo la sheegay inay ku dhinteen, iyadoo maydadka carrruurtaas ay goobta ka soo saareen xubno ka tirsan maamulka degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Mid ka mida waaliddiinta carruurtan geeriyooday ayaa sheegay inay carruurtan ahaayeen laba wiil oo 10-jirro ah iyo kuwa kale oo ka yar-yar ayna si lama filaan ah ugu geeriyoodeen warta oo buuxday.

Gobollada Soomaaliya ayaa intooda badan ayaa ku yaalla waro xilliyada roobka ay biyuhu ka buuxsamaan, iyadoo ay carruurtu ay mararka qaarkood dabaal u tagaan, iyadoo maydadka afarta cunug ay goobta ka qaateen waaliddiintood.

Arrintan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu khasaaraha badnaa oo muddo toban sano ku dhawaad ah ka dhaca degmada Diinsoor, balse toban sano ka hor ayaa waxaa degmadan ka dhacay dhimasho noocan oo kale ah.

Degmada Diinsoor ayaa waxaa gacanta ku haysa Xarakada Al-shabaab, iyadoo qayb ka ah degmooyinka ay Al-shabaab ka maamusho gobolka Bay, inkastoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sannado ka hor kala wareegeen dhowr degmo oo gobolkaas ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya