
Sabti, May 10, 2014 (HOL) — FBI-da dalka Maraykanka ayaa ku raad-joogta mid ka mid ah raga loogu doonista badan-yahay gudaha dalkaas oo lagu amgacaabo Jehad Mustafa, kaasoo loo haysto in uu taageero ururka Al-shabaab oo ka dagaalama geeska Afrika, gaar ahaan dalka Soomaaliya.
“Inta badan marka dadka reer galbeedka ah ay halkan ka tagaan si ay ugu biiraan kooxaha argagaxisda ah ,waxaa looga faa’idaysan karaa dhinacyo badan “ayuu yiri Edward Gernat oo kamid ah FBI-da magaalada San Diego.
“Ma uusan ka soo muuqan muuqaalada ay soo duubaan kooxda al-shabaab, waayo dhaq-dhaqaaqyadii ururkaas waxa ay ahaayeen kuwa qarsoon,“ ayuu hadalkiisa ku daray masuulkan oo soo bandhigayay danbiyada loo haysto Mustafa.
Warbixinta ay FBI-da ka hayso Mustafa ayaa sheegaysa in uu da’a ahaan jiro 32 ama 27-sano midkoda ,waxaana dhashay hooyo Amerikaan ah, halka aabihiisa uu yahay Suuriyaan, isaga uu qaba xaas Soomaali ah .
Brian Fishman oo ka howl-gala CTR ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay Al-shabaab u aragto mid dhibaato ku ah danaha reer galbeedka ee Afrika, isagoo tilmaamay in duqaymaha Drons-ka ee Soomaaliya laga fuliyo ay yihiin kuwa wax dhimaya awoodda kooxdaas.
Ugu danbayn, Edward Genart ayaa sheegay in hadii Mustafa uu iyaga la soo xiriiri lahaa la soo dhaweyn lahaa ,isla markaana cafis loo fidin lahaa ,isagoo xusay in ay jiraan dad kale oo u dhashay Maraykanka oo wali ku dhuumaalaysanaya gudaha Soomaaliya.
Faysal Mohamed Hassa
[email protected]