Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda Gobolka Banaadir oo la Magacaabay

Sabti, May 10, 2014 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta loo magacaabay, Maxamed Aadan Guuleed, waxaana lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Xilkan ayaa waxa horay loogu magacaabay, Kamaal Daahir Xasan oo iska-casilay; waxaana la sheegay in wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre oo la tashi la sameeyey guddoomiyaha gobolka Baanadir isla markaana ah duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ay isla garteen in Maxamed Aadan Guuleed uu noqdo ku-xigeenka dhinaca siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir.

Afhayeenka cusub ee gobolka Banaadir, Axmed Cusmaan oo saxaafadda u akhriyay wareegtada magacaabidda mas’uulkan cusub ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya uu yahay ku-xigeenka siyaasadda ee guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Mas’uulkii xilkan iska casilay, Kamaal Daahir Xasan ayaa waxaa xilka u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dambe diiday in uu qabto xilkaas. Taasoo keentay in wasaaraddu ay xilkan u magacowdo Maxamed Aadan Guuleed.

Kamaal ayaa ahaa agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya, isagoo aan sheegin waxa ku kallifay inuu xilkan iska casilo, waxaana uu mas’uulkan noqonayaa kii labaad oo iska-casila xil looga magacaabay maamulka gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa isbedel lagu sameeyay sannadkan, kaddib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ku xigeennadiisii qaarkood iyo xogyihii maamulka oo dhawaan qarax ka dhacay Muqdisho lagu dilay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya