Ra’iisul wasaaraha oo sheegay inay ciidamo geynayaan Qoryooley iyo Marko

Sabti, May 10, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sheekh Axmed oo ka warbixinayay safar uu ku tagay degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ammaankooda la isku helleyn karo ayna wadaan qorshayaal ay ku geynayaan ciidammo booliis iyo nabadsugid isugu jira.

Mudane C/wali Sheekh ayaa xusay in ciidamada ugu badan ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose ay yihiin ciidammo militeri ah, balse ay wadaan inay geeyaan kuwo suga ammaanka.

“Deegaannadii aan booqday amnigooda waa kuwo la isku halleyn karo, markii aan booqanayay waxaa ila socday saraakiisha booliiska iyo nabadsugidda oo aan faray inay ciidammo keenaan si ammaanka loo adkeeyo,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa qeexay in xukuumadda ay ka go’an tahay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-shabaab ka saaraan degmada Baraawe iyo deegaannada kale ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay ra’iisul wasaaruhu inay wax ka qaban doonaan amniga deegaannada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka saareen Al-shabaab, isagoo sheegay in xukuumaddiisu ay arrintaas xoogga saarayso.

Ra’iisul wasaaraha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka koobnaa wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa dhawaan booqday degmooyinka Marko iyo Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya