
Sabti, May 10, 2014 (HOL) — Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan dalka Britain ayaa ka hadlay markii ugu horreysay baaqii ay kusoo jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka in madaxweynuhu uu xilka ka dago.
Guuleed ayaa sheegay in xildhibaannada baaqa soo jeediyay aysan marin waddadii saxda ahaa ee loo baahnaa, isagoo ugu baaqay xildhibaannada in xil ka qaadista madaxweynaha ay u soo maraan sharciyada dalka u dagsan.
“Is-casilaadda madaxweynaha waa arrin dastuuri ah waxayna u baahan tahay in loo maro qodobbo adag oo aan sahlayn, runtiina madaxweynaha waa marjicii loo soo laabanayay, waxaase wanaagsan in wixii dhaliil ah la iska saxo,” ayuu yiri Guuleed.
Sidoo kale, wasiirka ayaa intaas ku daray in baarlamaanka Somalia looga baahan yahay inay fursad siiyaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, maadaama ay haystaan waqti kooban howlo badanna la qabtay.
“Baarlamaanka Soomaaliya ee sharafta leh waxaan ka codsanaynaa in xukuumadda la siiyo fursad, maxaa yeelay shalay iyaga ayaa doortay, xilligii shaqo ee ay siiyeenna qayb ka mid ah ayaa dhiman; waxaana rumeysannahay in dowladdu ay ku guuleysatay in howlo badan ay qabatay muddadii ay shaqeynaysay, xilliga u harsanna ay shaqo u harsan ku qaban karto,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.
Dhanka kale, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga, Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka mid ah xildhibaannadii mooshinka ka keenay madaxweynaha ayaa sheegay in baarlamaanka uusan hadda fursad u hayn inuu fursad siiyo madaxweynaha iyo xukuumadda, ayna ka go’an tahay baarlamaanka inay xilka ka qaadaan.
“Xildhibaannada baarlamaanka Somalia uma hayaan fursad kale madaxweyanha iyo xukuumadda Soomaaliya; waayo madaxweynaha howlihii laga filayay kama uusan soo bixin, taasoo xudun u ah baaqa aan soo saarnay ee aan kaga dalbannay inuu ka dago xilka,” ayuu yiri C/samad Macallin.
Inkastoo madaxweynuhu uu dalbaday in xildhibaannadu ay soo maraan sharciyada dalka u dagsan; ayaa haddana waxay mudanayaashu ku adkeysanayaan inay xilka ka qaadi doonaan madaxweynaha ayna u mari doonaan waddada sharciga ah ee uu qabo dastuurka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya