4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo Cafis u fidiyay Dhallinyarada Burcadbadeedda ka tirsran haddii ay Joojiyaan Falalkaas


Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu cafis u fidiyay dhallinyarada ka tirsan kooxaha burcadbadeedda Soomaalida haddii ay ka tanaasulaan fikirka ku saleysan rabshadaha xeebaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo la hadlyay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay inay wadahadallo la furayaan dhallinyarada burcadbadeedda ah iyagoo u maraya waxgaradka Soomaaliyeed, balse aysan diyaar u ahayn dowladdu inay si toos ah ula hadasho.

“Si falalka burcadbadeednimo loo dhammeeyo ayaan go’aankan u qaatay. Waana hubaa in tani ay dhameynayso burcadbadeednimada,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in cafikan aysan ku jirin xubaha sarsare ee burcadbadeedda kuwaasoo dhaqaale badan ka hela falalka burcadbadeedda, kuwaasoo qaarkood ay raadinayaan booliiska adduunka ee Interpol.

“Kuwaas uma fidinayno wax cafis ah, balse cafiska waa mid ku kooban dhalinyarada yaryar,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo intaa ku daray in aysan ka daalayn dadaalka ay ugu jiraan dhameynta burcadbadeednimada xeebaha Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka caalamka ee ay ka jiraan kooxaha burcadbadeedda ah ee afduuba maraakiibta isaga goosha caalamka, balse labadii sano ee ugu dambeysay waxaa burcadbadeedda la saaray culeysyo waaweyn, taasoo sababtay inay yaraadaan afduubyadii ka dhici jiray badaha Soomaaliya.

Inta badan burcadbdeedda Soomaaliya ayaa waxay saldhigyo ku leeyihiin deegaanno ka tirsan kuwa ay maamusho Puntland, iyagoo sidoo kalena ku leh saldhigyo deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqo tan iyo markii loo doortay xilka, muddo hadda laga joogo lix bilood, isagoo horay cafis ugu fidiyay dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya