4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2013
Shirkii Maamul u Sameynta Gobollada Jubbooyinka oo Maanta si rasmi ah uga Furmay Magaalada Kismaayo [DAAWO SAWIRRO]



Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) —Shirkii maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, iyadoona madasha shirka ay ku suganyihiin ergooyin ka kala yimid gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Shirka ayaa ka furmay xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ku taal duleedka magaalada, waxaana maanta lagu furmay shirka qudbado hordhac ah oo ay jeedinayeen qaar ka tirsan xubnihii kasoo qeybgalay shirka.

Gudoomiyaha gudiga farsamada ee shirka maamul u sameynta Jubooyinka Macalim Max’ed Ibraahim oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in maanta uu si rasmi ah u furmay shirkii maamul u sameynta Jubooyinka oo mudo dheer ay qabanqaabadiisa ka socotay magaalada Kismaayo.

“Waxaan ku faraxsannahay maanta oo ay taariikhdu tahay 28-ka Febraato, 2013, in qorshihii maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ee aan soo wadnay mudo dhan afar sano uu maanta ka furmo xarunta Jaamacadda ee magaalada Kismaayo,” ayuu masuulkani hadalkiissii raaciyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkani ay ka qeybqaadan doonaan ilaa 800 oo ergo oo ka kala iman doonta gobollada Jubooyinka iyo Gedo, isagoona intaa ku daray in ay sugayaan ergo uga iman doonta dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale oo laga sugayo dhanka gobolka Gedo, kuwaasoo uu xusay in la filayo in ay isla maanta yimaadaan.

Shirka ayaa waxaa goob joog ka ah Odoyaal dhaqameed, Salaadiin, siyaasiyiinta iyo waxgarad ka kala yimid gobollada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana sidoo kale goobta ku sugan masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo.

Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay furitaanka shirka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay shirka ka qaadato kaalinteeda, wuxuuna sidoo kale kula dardaarmay ergada shirka ka qeybqaadaneyso in ay soo dhisaan maamul ay iyaga raali ka yihin islamarkaasina gobollada Jubooyinka iyo Gedo ka saara dhibaatooyinka ay mudada dheer kusoo jireen.

Magaalada Kismaayo ayaa maanta si weyn looga hadal hayaa arinta shirka maamul u sameynta gobollada Jubooyinka ee furmay, iyadoona ammaanka magaalada ay siweyn u sugayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni.

Shirkani ayaa socon doona maalmaha fooda nagu soo hayo, iyadoona la filayo in gabagabada shirka lagu soo dhiso maamul goboleed ay yeelan doonaan sedexda gobol ee Jubada Hoose, J/dhexe iyo Gedo, waxaana uu shirkan kusoo beegmaya xilli shir wadatashi ah oo isna maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, go'aanadii kasoo baxay ay ka mid ahaayeen in dhismaha maamulka jubbaland ka hor loo baahanyahay in xoogga la saaro sidii Al-shabaab looga saari lahaa gobolladaasi, iyo in dhismaha maamulka laga hormariyo shir dib u heshiisiin ah oo ay isugu yimaadaan beelaha dega gobollada Jubooyinka.





Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya