4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2013
Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo dhagax-dhigtay Mashruuc biyo soo saar oo Turkigu ka Hirgelinayo Magaalada Berbera

Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) —Dawladda Turkiga, ayaa dhagax dhigtay mashruuc biyo soo saar oo ay ka hirgalinayso magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil.

Munaasibaddii dhagax dhiga mashruucaasi biyo soo saar ayaa waxa ka hadlay Wasiirka wasaarada Macdanta, Biyah iyo Tamarta, Md. Xuseen Cabdi Ducaale, waxaanu xusay in wasaaradiisu ay muddo ka shaqaynaysay mashruucan ceelasha loogu qodayo magaallada Berbera, waxaanu tilmaamay inay wax wayn ka tari doonto biyo yaraantii ka jirta magaalada Berbera.

“Magaalada biyo yaraan weyn ayaa ka jirta wakhti aad u fiicana wax qabadkani waa inoo yimi, ilaa afar shan ceel ayaa noo qorshaysan inaan magaalada biyaheeda halkan uga samayno, riigani waa mid aan dheerayn oo aan gaadhayn markaas maadaama riigu awoodiisu aanay dhaafsanay 150m 200m,”ayuu yidhi wasiirka macdanta iyo biyaha oo ka hadleyey  mashruucaasi.

Maareeyaha wakaalada biyaha Berbera Mr: Cabdiraxmaan Cartan Geedi, ayaa u mahadnaqay dawladda turkiga ee maalgalinaysa mashruucan ceel qodista ee magaaladda Berbera, waxaanu ka sheekeeyey taariikhda faca weyn ee ka dhexeyn jiray dawladda turkiga iyo xidhiidhkii wanaagsanaa ee ay lahaan jireen.

“Waxa noo suuro-gashay in riig dowlada Turkiga noogu deeqday ceelal lagaga qodo xarunt biyo soosaarka Dubaar, waxaa u mahad naqayaa dowlada Turkiga ee riiga noogu deeqaday” ayuu yidhu Maareeyaha wakaalada biyaha Berbera C/raxmaan Cartan.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi iyo duqa degmadda Berbera, CabdiShakuur Maxamuud Xasan, waxaanay sheegeen in mashruucani ceelasha loogu qodayo wax wayn ka tari doono biyo yaraanta ka jirtay magaalada Berbera iyo guud ahaan gobolka Saaxil,waxaanu tilmaamay in biyaha magaaladda Berbera cabto uu wakhti hore hirgaliyey dawladda Turkiga, taasina ay tilmaamayso xidhiidhka dheer ee ka dhexeeya Magaaladda Berbera iyo Turkiga, isagoo tilmaamay in waxqabad badan oo turkigu leeyahay ka muuqdo magaaladda Berbera.

Si kastaba ha ahaatee, mashruucan biyo soo saar ayaa noqonaya kii labaad ee muddo dheer ka dib ay hirgaliso dawladda Turkiga, iyadoo hore Turkigu u maalgalisay biyaha magaaladda Berbera.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland