4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2013
Dagaal ka dhacay deegaanka Ow-diinle iyo Guddoomiye xaafadeed lagu dilay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay


Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar ruux oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal deegaanka Ow-diinle ee gobolka Bay ku dhexmaray ciidamada dowladda Somalia iyo xoogagga Al-shababa, iyadoo sidoo kalena guddoomiye xaafadeed lagu dilay Baydhabo.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii xoogagga Al-shabaab aya weerarro ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin deegaankaas oo 30-km dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

“Waxaan Al-shabaab kaga dilnay dagaalka saddex ruux, dib ayaana loo waabiyay, xaaladdu waa deggen tahay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Owdiinle ee gobolka Bay oo saxaafadda uga warbixiyay dagaalkaas.

Goobjoogayaal aya sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus oo muddo gudaha deegaankaas ka socday, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay ka gaartay dagaalkaas hadafkii ay ka lahayd.

Dhanka kale, bam-gacmeed ayaa lagu xalay lagu dilay guddoomiyihii xaafadda Isha ee degmada Baydhabo, Aadan Xuseen Aadan (Fargeeto) kaddib markii bamka lagu tuuray gurigiisa; iyadoo isla weerarkaas lagu dhaawacay laba wiil oo uu dhalay guddoomiyaha la dilay.

Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo habeen hore ay Al-shabaab weerarro ku qaaday degmada saldhigga degmada Baydhabo, gurigii hore ee Sheekh Aadan Madoobe iyo xarumo ay deggenaayeen hay’ado samafal.

Tan iyo markii la magacaabay maamulka cusub ee gobolka Bay waxaa ka dhacayay Baydhabo iskahorimaadiyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan xoogagga Al-shabaab, kuwaasoo ay naftoojada ku waayeen dad badan oo shacab iyo mas’uuliyiin isugu jiray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya