4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2013
Curyaamiinta ku nool Baydhabo oo ka cabanaya dhibaato dhinaca nolosha ah oo haysata gargaarka codsaday (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Waxaa magaalada Baydhabo ku nool curyaamiin tiradadood gaareyso 500 oo qof oo cid taakuleysaa aysan jirin, waxaana soo food saartay daryeel xumo iyo caafimaad dari aad u daran,

Curyaamiintan ayaa maanta isugu yimaadeen xaruntooda si ay u muujiyaan dhibaatooyinka haysta inta ay le’eg yihiin, si ay uga helaan walaalaahooda ku nool gudaha iyo dibadda ay u soo caawiyaan.

Sidoo kale, waxay sheegeen inay doonayaan in laga caawiyo sidii loogu sameyn lahaa xirfado shaqo shaqeystaan maadaama ay yihiin dad curyaamiin ah oo aan awoodin inay qabtaan shaqooyinka ay qabtaan dadka lixaadkoodu u dhan yahay.

Hay’adaha samafalka ee ku sugan magaalada Baydhabo ayay shegeeen inay ka waayeen taakulo, ayna cabasho u jeediyeen in badan, laakiin aysan ka helin wax gargaar ah.

Ugu dambeyn, curyaamiintan waxay ka codsadeen dhammaan jaaliyadaha Soomaliyeed iyo ganacsatada inay soo taakuleeyaan, kaddib daryeel xumo haysatay muddo dheer.

Ma jirin wax codsi ah oo ay u jeediyeen dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay dowladdu weli ka hadlin dhibaatooyinka haysta curyaamiinta ku nool deegaannada ay dowladdu dhawaan kala wareegtay Al-shabaab.

Hiiraan Online, Baydhabo