4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2013
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay in Shacabka Kenya ay Haystaan Fursad ay kaga fikiraan Mustaqbalkooda Siyaasadeed


Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Warsaxaafadeed ay Al-shabaab soo saartay ayay kaga hadashay doorashooyinka Kenya ka dhacaya bisha soo socota horraanteeda iyo weliba isbedelka siyaasadeed ee dalkaas uu galayo.

Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in shantii sano ee ay gacanta ku haysay deegaannada ku teedsan xuduudaha Soomaaliya ay la wadaagto Soomaaliya ay shacabka Kenya nabad ku noolaayeen, laakiinse arrintaas ay meesha ka baxday, kaddib markii dowladda Kenya ay go’aan ku gaartay inay ka qaybgasho dagaalka lagula jiro.

“Dalkiinu wuxuu ku naaloonayay nabad iyo xasilooni, ma jirin maxaabiis u dhashay Kenya oo Soomaaliya lagu heysto, wax walwal ah meydan ka qabin in dhibaatada Soomaaliya ay dalkiina kuo baahdo, laakiin maanta iyadoo laga shallaayayo go’aankii dawladdiina ayuu xaalka dalkiinu kasii darayaa, dhaqaalihiinu wuu sii liidanayaa, ammaankiinana faraha ayuu ksiia baxay,” ayay Al-shabaab ku tiri warka ay soo saartay.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in xilligan shacabka reer Kenya ay haystaan fursad muhiim ah oo ay go’aan kaga gaari karaan mustaqbalkooda iyo midka dalkooda, marka loo eego doorashooyinka madaxtinimo ee dhawaan lagu wado inay dhawaan ka dhacaan dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in tan iyo markii ciidamada Kenya ay soo galeen gudaha Soomaaliya ay dadka Kenya waayeen amnigii guud iyo midkii gaar ahaaneedba, iyadoo colaaddii ay Kenya ka riday dalka Soomaaliya ay si toos ah ugu gudubtay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

“Si kasta ha ahaatee, isbadalka siyaasadeed ee dalka ayaa ka dhigan fursad mustaqbal oo muhim ah, waa mustaqbal aan dhiig dambe ku daadan doonin…. hadda ayaad haystaan fursad aad ku fakartaan, dibna ugu eegtaan go’aannadii ay ay qaadatay dowladda sii dhacaysa oo dhibaatada ugu badan ay idinka soo gaartay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Al-shabaab waxay hadalkeeda ku dartay in marna aanay ku khasaareyn dagaalka ay sheegeen inay ku difaacayaan waxay ugu yeereen cadowga soo xad-gudbay, halka dadka reer Kenya aysan faa’iido ugu jirin duulaanka dowladdoodu ay ku soo qaaday Soomaaliya.

“Haddii aad doorataan jidka nabadda faa’iidada ugu badan idinka ayaa helaya, haddiise aad kusii socotaan dhabaha dagaalka waxaad ogaataan inaynu nahay rag dagaalka aan ka laba-labeyn oo diintooda aan ka leexan, waxaana wax weliba u huraya difaaca diintooda iyo dhulkooda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka, “Waxaan idin kula talinaynaa inaadan ku kadsoomin muddada kooban ee ciidamada Kenya haystaan Kismaayo; dagaalku wuu dheeraan doonaa, wuuna khasaare badnaan doonaa.”

Warsaxaafadeedka Al-shabaab ay soo saartay gellinkii dambbe ee shalay ayaa lagu soo beegay xilli dalka Kenya la filayo inay doorashooyin ka dhacaan afarta bisha Maarso ee soo socota, iyadoo la xusuusto in sannadkii 2007 ay doorashooyinkii Kenya ka dhacay ay sababeen dhimashada dad fara badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya