4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2013
Dagaal ciidamada Dowlada Somalia iyo Al-shababa ku dhexmaray deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose

Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Dagaal inta la og-yahay ay laba qof ku dhinteen ayaa ciidmada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada hoose.

Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla degmadaas, waxaana la sheegay in labada dhinac uu dhexmaray dagaal culus oo muddo socday.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose. C/qaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay ku qabteen afar ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, kuwaasoo uu sheegay su’aalo lagu weyndiin doono saldhigyada ay dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin Janaale.

Taliska iyo AMISOM iyo Al-shabaab ayaan ka hadlin dagaalka maanta ka dhacay Janaale, kaasoo noqonaya dagaalkii labaad noociisa oo halkaas ka dhaca tan iyo markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab Toddobaadyo ka hor.

Dhanka kale, waxaa la sheegay in maanta ay dibadbaxyo looga soo horjeedo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka dhaceen degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo xubno ka tirsan Al-shabaab ay soo abaabuleen.

Sannad iyo barkii lasoo dhaafay ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo ay ugu dambeysay degmada Buur-hakaba.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya