4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2013
Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadahaa Soomaaliya oo ka warbixiyay in ka badan boqol kun oo dollar oo la xaday

Khamiis, Feberaayo 28, 2013 (HOL) — Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay lacago dhawaan laga xaday xafiis ay leedahay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya.

Jen. Gaafoow ayaa sheegay in lacag dhan 110,000 oo doollarka Mareykanka ah la dhacay taasoo loogu talo-galay in lagu dayactiro xafiis hoggaanku ku leeyahay degmada Shibis ee gobolka Banaadir oo hadda uu ku socdo dib u dayactir.

“Lacagta keliya ma ahayn waxa la xaday, balse waxaa la qaatay qalab uu lahaa hoggaanka socdaalka oo isna la qaatay, waxayna u badan tahay inay dhacaas geysteen dad wax kala socda howlaha hoggaanka socdaalka,” ayuu yiri Jen. Gaafoow oo beeniyay in xubno ka tirsan xafiiskiisa ay dhacaas ku lug leeyihiin.

Sidoo kale, Jen. Gaafoow wuxuu sheegay in lacagta la dhacay ay ahayd lacago ay iska soo ururiyeen dad Soomaaliyeed oo jecel in dayactir lagu sameeyo laamaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in dhacaas marna aanu hakad gelin doonin howlaha lagu dayactirayo xafiiska socdaalka uu ku leeyahay Muqdisho.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn, wariyeyaashii uu shirka jaraa’id u qabtay soo tusay xafiiska waaxda socdaalka ee uu dayactirku ka socday kaasoo lagu dayactirayay lacagta la sheegay in la xaday.

Dhanka kale, ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay hayaan raadad cad oo sheegaya kooxihii ka dambeeyay dhacaas, ayna dhawaan u soo bandhigi doonaan warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya