4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Faahfaahin dheeraad ah oo ku Saabsan Qarax Ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Xarunta gobolka Bari ee Boosaaso (SAWIRRO)

Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax maanta barqadii lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Puntland, xilli ay marayeen meel u dhow xarunta weyn ee Shirkadda Amal oo ku taal bartamaha magaalada Boosaaso.

Taliyaha ciidamada badda Admiral C/risaaq Diiriye Faarax oo goor dhow warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in qaraxaas loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo qof isa soo miidaamiyey uu watey.

Taliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in qaraxa lala eegtay mid kamid ah saddex gaari oo ay ciidamadu wateen, xilli ay kusii jeedeen suuqa weyn ee magaalada; si ay uga soo dukaameystaan.

Dhinaca kale wasiirka amniga ee Puntland, Kol. Khaliif Ciise Mudan, oo goor dhow la hadlay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC, ayaa xaqiijiyey in 8 qof ay dhinteen in ka badan 30 qof oo kalena ay dhaawacyo kala duwan qabaan. Ma jirto ilaa iyo hadda  cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa maanta magaalada Boosaaso ka dhacay, haseyeeshee wasiirka ayaa ku eedeeyey Ururka Al-shabaab.

Dadka dhintey waxaa ku jira ugu yaraan saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Badda ee Puntland iyo afar qof oo rayid ah, waxaa sidoo kale dadka dhintay qayb ka ah qofkii isa soo miidaamiyey ee isagu weerarkaas geystey.

Dadka dhaawacmay oo qaarkood ay xaaladoodu halis tahay, waxay u badan yihiin shacab jidka marayey iyo qaar meharado ganacsi ku haystey agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay. Firirka qaraxa ayaa waxyeelo xooggan u geystey gawaari tira badan iyo dhismeyaal dhowr ah.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan, waxaa jugtiisa laga maqlay dhammaan xaafadaha magaalada, wuxuuna noqonayaa weerarkii labaad ee ismiidaamin ah ee ka dhaca xarunta gobolka Bari ee Boosaaso tan iyo sanadkii 2009.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya