4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Madaxweynaha Puntland oo cambaareeyey qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

Talaado, December 03, 2013 (HOL)— Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo goor dhow warbaahinta la hadlay, ayaa cambaareeyey qaraxii khasaaraha badan geystey ee maanta barqadii magaalada Boosaaso ka dhacay.

"Waan cambaarayneynaa falkaas; iyo ciddii fuliysey; iyo ciddii ka dambeysey iyo cidddii ku faraxday intaba....Ilaahey cadaabtii hakaga aarsado..." Madaxweyne Faroole ayaa yiri.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale tacsi u diray dadka ay eheladooda qaraxaas waxyeelladu kasoo gaartey, wuxuu sidoo kale Ilaah ka baryey inuu u naxariisto dadka dhintay kuwa dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah siiyo.

Ciidamada ammaanka iyo bahda caafimaadka ayuu iyagana ammaan ballaaran usoo jeediyey, isagoo tilmaamay in ay karti iyo dadaal dheeri ah muujiyeen.

Ugu dameyntii wuxuu ugu baaqay dadka reer Puntland in ay midnimadooda sii xoojiyaan, islamarkaana ay meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo ammaanka iyo nabadgelyada khatar gelin karta.

Qaraxa maanta magaalada Boosaaso ka dhacay oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaa fuliyey qof isa soo miidaamiyey, waxaana lala bar-tilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tiran kuwa badda ee Puntland.

Inta la xaqiijiyey siddeed qof ayaa qaraxaas ku geeriyoodey, waxaana ku dhaawacmay 37 oo u badan shacab sidoo kalena ay dhowr askari ku jiraan.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya