4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Dood-cilmiyeed looga hadlayay ka hortagga marin habaabinta dhalinyarada oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay ka hortagga marin habaabinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo dooddan ay ka qayb-galeen odayaasha dhaqanka, waxgarad, culummaa'uddiin iyo dhallinyaro.

Dooddan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda CCD ayaa waxaa lagu falan-qeeyay sida odayaasha dhaqanka iyo culummada ay qayb uga qaadan lahaayeen wacyi-gelinta dhallinyarada la marin habaabiyay ee loo adeegsado hurinta dagaallada iyo is-qarxinta.

Ugu horreyn waxaa furitaanka doodda ka hadlay C/llaahi Cabdulle Wehliye oo sheegay in odayaasha dhaqanka ay tahay doorkooda inay wacyi-geliyaan bulshada, isla markaana ay wax u sheegaan dhallinyarada la qalday, si ay dib ula midoobaan dhallinyarada asaaggooda ah.

"Wacyi-gelinta waxaa lagu gaarsiin karaa warbaahinta, meelaha bulshada isku timaaddo, waxaa muhiim ah in culummaa'uddiinka iyo odayaasha iska kaashadaan sidii dhallinyarada la qalday loo wacyi-gelin lahaa," ayuu yiri Wehliye.

Sidoo kale waxaa ka hadlay doodda,  Suldaan Kamaal Salaad Xasan oo isna sheegay in odayaasha iyo culimmada ay isugu geeyaan aqoonta iyo caqliba sidii dhallinyarada mustaqbalkooda loo bad-baadin lahaa.

Weheliya oo sii hadlay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay waligood nabadda ka talin-jireen, geed-hoostiis lagu dhaqi jiray, isla markaana kan qaldan lagu qaban jiray, waxaana uu tilmaamay in sida kaliya ee ammaanka lagu adkeyn karo ay tahay wada-shaqeyn dhex-mara hay'adaha amniga iyo bulshada.

Macallin Maxamuud Cali Maxamed ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay ka soo noqdaan fikirka qaldan, isagoo waaliddiinta ku wargeliyay in caruurtooda ay la socdaan si aan loo marin-habaabin.

Abwaan Maxamed Maxamuud Shido ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay xog-ogaal u yihiin bulshada, isla markaana ay yihiin garsoorka hoose ee bulshada, wuxuuna hoosta ka xariiqay xusay inay udub dhexaad u yihiin nabadda dalka.

“Odayaasha dhaqanka waxay kaalin ku yihiin nabadda, sidaa awgeed waxay kala qayb-qaadan karaan hay'adaha amniga sidii nabadda dalka loo sugi lahaa, nabaddana waxay ka billaabataa guriga," ayuu yiri abwaan Shido.

Waxaa kaloo ka hadlay doodda nabadoon, Cabdullaahi Xeyle Faarax isagoo sheegay in loo baahan yahay in odayaasha dhaqanka iyo culumaa'udiinka ay qaataan door muhiim ah sidii dhalinyarada Soomaaliyeed looga bad-baadin lahaa kuwa doonaya inay maskaxda ka rogaan, isla markaana loogu horseedi lahaa mustaqbal wanaagsan.

"Waa in gacmaha la is-qabsadaa, midnimo iyo dowladnimana loo jeestaa, ummadaha horay u maray waa inaan dalkeenna horumarino dagaalladana la joojino, dhallaankeena aan bad-baadinno," ayuu yiri nabadoon Xeyle.

Ugu dambeyn, xubnihii dooddan ka qayb-galay ayaa waxay halka uu shirku ka dhacay isku weydaarsadeen fikrado iyo talooyin ku aaddan sidii dhallinta Soomaaliyeed looga wacyi-gelin lahaa marin habaabinta, isla markaana ay uga qaybqaadan lahaayeen nabadda iyo horumarka dalka.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya