4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shirka Nabadda iyo Amniga Qaaradda Afrika oo si hordhac uga furmay Magaalada Paris (SAWIRRO)


Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qaybgalaysa shirka Amniga & Nabadda ee qaaradda Afrika oo loogu magacdaray Elysee Summit for Peace & Security in Africa oo maanta si hor-dhac ahaan ah uga furmay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ku matalaysa wasiiradii arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaaminayso oo uu ka mid yahay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan  Cumar Cismaan (Yariisow).

Shirkan ayaa waxaa ku casuumay madaxda Afrika madaxweynaha Fransiiska Francois Hollande. Maanta ayaa waxaa furmaya shirka heerkii wasiirro oo uu wasiirka arrimaha dibadda Farnsiiska, Laurent Fabius uu hoggaaminayo kaas oo xalay casho sharaf u sameeyay wasiiradda arrimaha dibadda ee Afrika.

Waxyaabaha shirkaddn diiradda lagu saarayo ayaa waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka Afrika iyyo dalka Faransiiska iyo weliba sidii caalamku isaga kaashan lahaa arrimaha amniga iyo nabadda, xiriirka iyo horumarinta dhaqaalaha iyo isbedelka cimilada.

Sidoo kale, shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalaya wufuud kala duwan oo ka socda Qaramada Midoobey, ururka Midowga Yurub iyo sidoo kale ururka Midowga Afrika.

Fowziya oo hoggaaminaysa wafdiga Soomaaliya ayaa kulamom gaar-gaar ah la qaadan doontaa madaxda dalalka Afrika iyo kuwa kale ee caalamka si loo sii xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo beesha caalamka u dhexeeya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya