4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somalia oo taageeray habkii loo maray Kalsooni kala noqoshadii Ra’iisul Wasaare Saacid


Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadlay go’aankii dhawaan ay xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya kalsoonida kala noqdeen xukuumaddii uu hogaaminayay raysul-wasaare Saacid ka dib hab cod tirrin ah oo gudoonka sare ee barlamaanka Soomaliya uu sameeyay.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Somalia, Michele Cervone D’Urso ayaa go;aankaasi ku tilmaamay mid qayb ka ah hirgalinta dastuurka Somaliya, isagoo xusay in Midowga Yurub ay u hambalyaynayaan mudanayaasha barlamaanka.

“Midowga Yurub waa uu soo dhaweynayaa sida hogaanka dowladda hadda jirta ay u ixtiraameen hirgalinka dastuurka,“ ayuu ku yiri Michele Cervone D’Urso oo  hadal kooban ku soo qoray boggiisa Twitterka maalmo ka dib marki la riday xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid .

Waxaa kaloo masuulkan uu sheegay in shaqo aan la dhayal san karin uu qabtay raysul-wasaaraha xilka ka dagaya, isagoo xusay in sanadkii uu xafiiska joogay uu hormar ballaaran ku sameeyay hayado badan oo dowladda muhiim u ah.

Sidoo kale Michele ayaa inta raaciyay in Midowga Yurub uu taageero dheeri ah siin doono dowladda Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in madaxda dowladda ay ka dhabeeyaan ballan-qaadyadii ay sameeyeen markii la soo dooranayay.

Masuulkan ma  uusan soo hadal qaadin khilaafka la sheegay in uu horay u dhexmaray madaxweynaha iyo rasal wasaaraha ,kaasi oo la sheegay inuu ka dhashay isku-shaandhayn lagu sameyn lahaa golaha wasiiradda.

Ugu danbayn, hadalka ka soo yeeray Midwoga Yurub ayaa ku soo beegmaya xilli  hay’adda Transparency International ay sheegtay in Somalia ay kaalinta koowaad kaga jirto wadamada dunida ugu musuq-maasuqa badan,iyadoo  kaalmaha hore ay kula jiraan wadamada Afgaanistan iyo Waqooyiga Kuuriya inkastoo markii danbe ay dowladdu beenisay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]