4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Qarax aad u xooggan Khasaare Badanna Geystey oo Goor-dhow ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari (SAWIRRO)


Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Qarax aad u xooggan ayaa maanta abbaare 11:00AM ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxa oo ilaa iyo hadda aysan caddeyn nooca uu ahaa iyo waxa loo adeegsday, ayaa lala beegsaday kolonyo ay wateen askar ka tirsan ciidamada badda ee Puntland.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo u dhow Isbitaalka Al-xayaat oo waqooyiga kaga beegan Masjika Al-rowda, waxay ku taallaa mid kamid ah jidadka ugu mashquulka badan magaalada Boosaaso.

Khasaare badan ayaa qaraxaas ka dhashay, inkasta oo weli aan la haynin xogta rasmiga ah ee ku aaddan baaxadda khasaaraha. Shan qof oo labo kamid ahi ay askar yihiin ayaa la xaqiijiyey in ay dhinteen, waxaa sidoo kale dhaawacmay in ka badan 15 qof.

Isbitaalka magaalada Boosaaso iyo xarumaha kale ee caafimaadka waxaa la gaarsiiyey dad badan oo dhaawac ah, dadkaasi waxay u badan yihiin kuwo shacab ah oo marayey jidka xilligii uu qaraxu dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray aagga uu qaraxu ka dhacay, waxaana la maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay ciidamadu ridayaan, si ay u kala eryaan boqollaal dadweyne ah oo goobta  kusoo xoomay.

Saraakiisha ciidamada oo aan la hadalnay si aan uga helno macluumaad dheeri oo ku saabsan qaraxan iyo weliba khasaaraha uu geystey ayaa ka gaabsaday in ay wax faah faahin ah bixiyaan.

Faah faahin dheeri ah goor dhow ayaan idiin soo gudbin doonnaa...




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya