4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Waddooyin ku xirmay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee bishii hore ka dhacay Magaalada Beledweyne oo dib loo furay (SAWIRRO)


Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in dib loo furay wadada hormarta saldhiga booliiska magaalada Beledweyne oo xirneyd tan iyo wixii ka danbeeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday saldhiga 19-bishii November ee ina dhaaftay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa sheegay in gadiidka xamuulka ah isticmaali karaan wadada hormarta saldhiga booliiska magaalada Beledweyne oo wali uu ka muuqdo bur-burkii ka dhashay weerarkii Ismiidaaminta ahaa.

Ganacsatada magaalada Beledweyne ayaa horay u sheegtay in ay dhibaato xoog leh ku qabeen xirnaashaha wadada hormarta saldhiga, madaama gadiidka xamuulka ah ay ku adag tahay in ay maraan jidadka kale oo ah kuwo aad cariiri u ah, iyaga oo si is daba joog ah uga dalbanayay maamalka in dib loo furo wadada.

“Waa in baaritaan lagu sameeyaa gadiidka laga shakiyo si ammniga loo sugo, wixii xiligan ka danbeeyana gadiidka xamuulka waa ay isticmaali karaan wadada hormarta saldhiga booliiska,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa markii uu soo dhameystay booqashada uu ku tagan saldhiga booliiska, waxaa uu ku soo wareegay bartamaha magaalada, isaga oo booqday booqday goobaha ganacsiga iyo  meelaha ay bulshadu ku badan tahay isaga oo sheeko la wadaagayay dad-weynihii uu la kulmay qaarkood.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa baaq u dirray dadka degan xarumihii dowladda, isaga oo ku wargaliyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u baneeyaan goobaha danta guud si ayu yiri bulshada loogu adeego.

“Waad og-tihiin xeradii Lama-gallaay qoysaskii 20-kii sano ee ugu danbeeyay ku noolaa waa ay baneeyeen, sidaa si la mid ah ayaan ka fileynaa shaqsiyaadka ama dadka danaha kale ku heysta xarumaha dowladda in ay baneeyaan si loogu adeego bulshada,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Dib u furista wadada hormarta saldhiga booliiska magaalada Beledweyne ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay ganacsatada magaalada iyo milkiilayaasha gadiidka xamuulka qaada oo sheegay in ay dhibaato weyn ku qabeen isticmaalka jidadka ciriiriga ah oo waqti badan uga lumi jiray.

Xarrakada Al-shabaab oo 19-kii bishii November ee ina dhaaftay ku qaaday saldhiga booliiska magaalada Beledweyne oo fariisin u aheyd ciidamada maamulka gobolka iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka AMISOM weerar isugu jiray Ismiidaamin iyo mid toos ah, waxaana xiligaan ku dhintay dad ka badan 20 ruux.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya