4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
FOWZIYO: “Dib u kabashada dhaqaalaha Somalia ayaa keeni kara xasillooni iyo baabi’inta Kooxaha Argagaxisada ah” (SAWIRRO)


Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda dowladdii kalsoonida lagala laabtay ee Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka qaybgaleysa shirka ammaanka iyo nabada Afrika oo ka dhacaya dalka Faransiiska ayaa maanta kulan gaar ah la yeelatay guddoomiyaha Bankiga Bred, Mr Steve Gentili iyadoo ay kawada-hadleen sidii arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya ay u noqon lahaayeen kuwo horumar sameeya.

Arrimaha ay wasiiraddu kala hadashay, Steve Gentili waxaa ka mid ahaa dib u habeynta maaliyadda Soomaaliya, fursadaha ganacsiga jira oo Faransiisku ka faa’iideysan karo iyo hindise sharciyeedyada socda ee Soomaaliya loogu hagaajinayo maalgashiga, ganacsiga iyo dhaqaalaha.

“Dar-dar-gelinta soo kabashada dhaqaalaha iyo ganacsiga Somalia waxay sii xoojinayaan ciribtirka kooxaha xag-jirka ah ee Soomaaliya,” ayay Fowziyo ka sheegtay kulanka ay la qaadatay Mr. Gentili.

Wasiiradda oo sii hadlaysay ayaa tiri: “Waxaan ku dhiiri-gelinayaa caalamka gaar ahaan maal-gashadayaasha in Soomaaliya ay maanta ka jirto fursad weyn oo dhinaca ganacsiga ah maadaama ay kasoo kabanayso colaadihii soo maray. Dadka Soomaaliyeed waa kuwa aad ugu dhuu-daloola ganacsiga oo muddadii koobnayd ee nabaddu jirtana ay ka muuqato dalka sida ganacsigii ugu soo laabtay. Sidaas daraadeed ganacsatada caalamka iyo shiradaha dunida waxaan u sheegaynaa inay fursadaas ka faa’iideystaan.”

Fowziya ayaa kaga qaybgalaysa magaalada Paris shirka madaxda Afrika ee looga hadlayo amniga nabadeynta, dhaqaalaha, maal-gashiga, xiriirka Afrika iyo Faransiiska iyo arrimaha deegaanka.

Shirkan oo si rasmi ah berri u furmi doona ayaa waxaa lagu wadaa in la isku raaco in dalalka Afrika ay sameystaan gole guud oo caalami ah oo Qaaradda ay uga hadasho arrimaha amniga iyo nabadynta. 



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya