Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midaabay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta magaalada Boosaaso ka dhacay.
Danjire Kay ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid fulaynimo ah, wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobay ay ka xuntahay aadna u cambaaraynayso.
"Falalka caynkan ah ee fulaynimada ahi waa kuwo bilaa ujeedo ah " Nicholas Kay ayaa yiri isagoo intaas raaciyey "waxan garab taagannahay dadka reer Puntland si ay u xaqiijiyaan helitaanka deggenaansho iyo horumar"
Ugu dambeyntii wuxuu tacsi u diray dadka eheladooda qaraxaas ku waayey, isagoo kuwa ku dhaawacmayna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.
Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta magaalada Boosaaso ka dhacay, waxaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Puntland, waxaana ku dhintay siddeed qof iyadoo ay soddon iyo todoba qof oo kalena ku dhaawacmeen.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya