4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Wareegto kasoo baxday Xafiiska hoggaamiyaha Jubba oo lagu magacaabay Ciidamo la Wareegaya Amniga Kismaayo [SAWIRRO]



Khamiis, December 05, 2013(HOL) :- Xilli mudooyinkii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka dhacayeen falal liddi ku ah ammaanka, ayaa wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu amray guutada 94-aad ee ciidamada maamulka in maanta wixii ka danbeeyay ay masuul ka yihiin amniga magaalada Kismaayo.

Wareegtadan ayaa waxa warbaahinta u aqriyay Jen. Cabdi Madoobe oo kamid ah saraakiisha maamulka Jubba, wuxuuna kula dardaarmay ciidamada iyo saraakiishooda in ay sugaan amniga magaalada, isalamrkaana ay ka hortagaan wax walba oo dhibaato u keeni kara shacabka iyo hantidooda.

"Maanta wixii ka danbeeyo adinka ayaa masuul ka ah ammanka magaalada Kismaayo, waxaa la idinka doonayaan in cadowga iyo naftiinaba aad ka ilaalisaan hantida shacabka, waxaa la doonayaa in aad tallaabo ka qaadaan cid walba oo aad u aragtaan in ay qatar ku tahay nabadgelyada," ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Jen. Cabdi Madoobe ayaa dhinaca kale sheegay in maanta wixii ka danbeeyo aan la arki karin askari hub ku dhex wata Kismaayo oo aan ka ahayn ciidamadan cusub ee loo xilsaaray ammaanka, wuxuuna amar ku siiyaan saraakiisha ciidamadan in ay gacanta kusoo dhigaan askarigii ay arkaan isagoo hub sharci darro ah ku dhex wata magaalada.

Sidoo kale goobta waxaa ka hadlay Mustaf Cabdi Sheekh Cali oo kamid ah saraakiisha nabadsugidda maamulka Jubba, wuxuuna xusay in ay soo dhaweynayaan ciidamadan cusub ee la wareegi doona ammaanka islamarkaana ay la shaqeyn doonaan, wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay gacan ku siiyaan ilaalinta nabadgelyada.

Digreetadan kasoo baxday xafiiska madaxweeynaha maamulka Jubba ayaa kusoo beegmeysa xilli xarunta madaxtooyada Kismaayo ay ka soconayaan shirar iyo tashiyo ku aadan guddi fulin oo lagu wado in hogaamiyaha maamulka Jubba uu dhawaan ku dhawaaqo, kuwaasoo sii wadi doona howlaha maamulka inta laga dhameystirayo golayaasha ka dhiman maamulka.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.