4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2013
Maxkamad ku taalla Kenya oo lasoo taagay Afar qof oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen Weerarkii Westgate Mall

Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa lasoo taagay maanta oo Isniin ah afar qof oo Somali ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarkii Westgate Mall, kaasoo lagu dilay 67-qof oo u badan Kenya.

Afar qof oo rag ah ayaa magacyadooda lagu kala sheegay, Maxamed Axmed Cabdi, Liibaan Cabdullaahi Cumar, Aadan Maxamed Ibraahim iyo Xuseen Xasan, iyadoo la sheegay in afartooduba ay sharci-darro ku joogeen Kenya.

Waa markii ugu horreysay oo dad loo haysto inay ku lug lahaayeen weerarkii Westgate Mall ee dhacay bishii September lasoo taago maxkamad, iyadoo mas’uuliyaddiisa weerarka ay sheegatay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Eedeysanayaashan Soomaalida ah ayaa iska diiday inay ku lug lahaayeen weerarkii Westgate oo qaatay afar maalmood oo xiriir ah, iyadoo dacwad-oogayaasha Kenya ay ku adkeysanayaan in dhallinyaradan ay qayb ka yihiin kooxihii weerarkaas abaabulay.

Raggan maxkamadda kasoo muuqday ayaa eedeymaha loo haysto waxaa ka mid ahaa inay kooxihii weerarka geystay soo geliyeen dalka, u sameeyeen sharciyo been abuur ah sidoo kalena ay siiyeen guryo ay dagaan.

Hay’adaha ammaanka ee Kenya ayaa bishii hore magacaabay afar qof oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen kooxihii weerarka Westgate geystay, balse ma sheegin goob ay ku sugan yihiin.

Al-shabaab ayaa ku goodisay mar kale inay weerarro la mid ah kii Westgate ay ka geysanayso Kenya haddii ay ciidamadeeda kala bixi waydo Soomaaliya, balse mas’uuliyiinta Kenya ayaa gaashaanka ku dhuftay taas, iyagoo sheegay in ciidamadooda aysan ka baxayn Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dhageysiga dacwadda eedeysanayaashan ay dib u billaabanayso 11-ka bishan November oo ku began toddobaadka soo socda, inta muddadaas ka hartayna ay afartan qof lagu sii haynayo xabsiga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya