4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2013
Nabaddoonnada Gobolka Mudug oo ku baaqay in lasoo af-jaro Colaadaha ka soo cusboonaaday Deegaanno Gobolka ka tirasn

Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Wararka maanta oo Isniin ah aanu ka helayno barriga gobolka Mudug ayaa sheegaya inay mar kale dib u soo cusboonaadeen xiisadihii colaadeed ee dhawaan ka dilaacay deegaanka Godod ee barriga Gaalkacyo.

Sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa HOL u sheegay inay jirto xiisadda colaadeed oo maanta kasoo cusboonaatay deegaan ku dhow Godod, isla markaana ay jirto dhimasho iyo dhaawac.

Dhanka kale, Xuseen Cabdulle Aw-Cali oo ka mida nabaddoonada Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay inay soo gaartay xog ku saabsan in maanta mar kale ay isku dhaceen dhinacyo hubaysan oo kasoo kala jeeda Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo, isla markaana dhimasho iyo dhaawacba uu maqlay hase ahaatee war faahfaahsan aan laga hayn.

Nabaddoon, Cabdi Diiriye Guuye oo isaguna ka mid ah nabaddoonnada ka soo Waqooyiga Gaalkacyo lana hadlay warbaahinta ayaa carabka ku dhuftay inay ku talo jiraan soo af-meeridda colaadaha gobolka, hase ahaatee wali aysan jirin bisayl dadka deegaanka ay u qabaan af-jaridda xiisadahaas.

Sidoo kale, nabaddoonka ayaa tilmaamay inay si weyn uga xun yihiin colaadaha soo noq-noqanaya, ayna filayaan mustaqbalka inay guul ka gaari doonaan colaadaha gobolka hareeyay sannadihii u dambeeyay.

Labada nabaddoon ayaa ka sinnaa digniinta ay u dirayaan maamullada Puntland iyo Galmudug ee ku aaddan joojinta hadalada xanafta leh, waxayna ugu baaqeen maamullada inay joojiyaan hadallada hanjabaadaha iyo is-nabashada u badan ee saxaafadda ay isku marsiinayaan.

Illaa hadda labada maamul ee ka arimiya magaalada Gaalkacyo kama aysan hadlin xiisaha colaadeed ee kasoo muuqanaya deegaannada miyiga ah ee hoos yimaada deegaanka Godod.

Shacabka gobolka Mudug ayaa dhawr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay la kulmayay colaado soo laalaabta, kuwaasoo mararka qaar gaara dagaal saf-ballaarana oo dadka deegaanka ku sababa qax iyo barakac.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda lama yaqaan waxay salka ku hayaan colaadaha gobolka Mudug, marka laga reebo saamaynta khayraadka iyo daaqsinka gaar ahaan xiliyada abaaraha ay jiraan ee dhulku uu ka yar yahay biyaha iyo daaqsinka.

Hiiraan Online, Gaalkacyo