4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2013
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xabsi ciidan ku ridday sarkaal sare oo ka Tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya

Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xukun xabsi ah ku ridday sarkaal ciidanka xoogga dalka ka tirsanaa, kaasoo lagu eedeeyay amar-diiddo.

Afhayeenka maxkamada ciidamada qalabka sida, G/lle Cabdullaahi Maxamed Muuse (Keyse) ayaa sheegay in maxkamaddu ay xukun xabsi ciidan ah ay ku ridday Col. Maxamed Yuusuf Xuseen oo ku magic-dheer Kala-foge kaasoo ka tirsanaa ururka taliska guud ee ciidanka milateriga Soomaaliya, kaddib markii ay xeer ilaalintu kusoo eedeeysay inuu diidday amarka uu siiyay Jen. C/llaahi Xaaji Maxamed Ceynte oo ah madaxa hoggaanka ciidanka xoogga dalka.

“Dood dheer kaddib maxkamadda ciidamada ciidamada oo dhageystay eed ay xeer ilaalintu kusoo oogtay Col. Kala-foge, isla markaana la dhageystay markhaatiyaashii la horkenay maxkamadda, waxay maxkamaddu laba sano oo xabsi ciidan ah ay ku xukuntay sarkaalka lasoo eedeeyay, iyadoo sidoo kale ka xayuubisay darajadii ciidana,” ayuu yiri afhayeenka maxkamadda oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in xukunka ay u cuskadeen sharciyada dalka u dagsan iyo diinta Islaamka, wuxuuna xusay in xukunkan uu qayb ka yahay sidii lagu ilaalin lahaa sharciyada ciidamada xoogga dalka.

“Ciidamadu waxay leeyihiin xeerar ay ku dhaqmaan, sidaa daraadeed waxaa ka mamnuuc ah sarkaalka ama askariga ka tirsan ciidamada inuu diido amar kasoo baxay sarkaalka ka sarreeya,” ayuu Keyse hadalkiisa ku daray.

Inkastoo uusan sheegin amarka uu diiday sarkaalkan noociisa ayaa wuxuu haddana afhayeenku sheegay in tani ay fariin u tahay ciidamada kale ee ku dhaqaaqa amar-diidada saraakiisha ka sarreysa, si loo ilaaliyo nidaamka iyo howsha ciidamada qalabka sida.

“Maxkamaddu way u naxariisatay sarkaalkan, waayo looma fiirin buugga labaad oo ah midka wax lagu xukumo xilliyada dagaalka, waxaana askari amar sarkaalkii amar-diiddo sameeya xilliyada dagaalka uu muteysanayaa dil toogasho, balse Col. Kala-foge waxaa loo eegay buugga koowaad oo ah xilliga nabadda, waxaana lagu xukumay xabsi,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Sarkaalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo loo xukumo amar-diiddo uu sameeyay, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay qorshaha ay dowladdu ku doonayso inay ku hagaajiso nidaamka ciidamada qalabka sida.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya