Shirkad Somali ah iyo Shirkad Koonfur Afrikaan ah oo Maanta kala saxiixday Heshiis lagu dhisayo Deegaanno Cusub (SAWIRRO)


Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Shirkadda Jarzeera State oo ah shirkad Soomaaliyeed iyo shirkad laga leeyahay dalka Koonfur Afrika ayaa maanta ku kala saxiixday Muqdisho heshiis cusub oo aan horay dalka u soo marin, kaasoo ah in labada shirkadood ay iska kaashadaan dhismaha deegaannno cusub oo laga hirgelinayo Soomaaliya.

Heshiiskan oo saxiixiisu uu ka dhacay xarunta Rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta rugta, waxaana mashruucan ku tilmaameen mid taariikhi ah oo aan horay dalkeena looga hirgelin.

“Maanta waxaa xarunta rugta ganacsiga lagu kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo noociisa oo kale aan horay looga hirgelin dalka, waana tallaabo horay loo qaaday,” ayuu yiri agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaliyeed, Cabdi Abishir Dhoore oo saxiixa kaddib hadlay.

Agaasimaha ayaa sheegay in Rugta ay ballaanqaadayso sidii ay ugu dadaali lahayd sidii dalka loo maal-gashan lahaa, ganacsatada Soomaaliyeedna ay u noqon lahaayeen kuwii billaabi lahaa maalgashiga noocan oo kale ah.

“Waa mashruuc casri ah oo si ilbaxnimo iyo aqoon ku saleysan; waana mid ku saasan sidii loo maamuli lahaa lanaashaha dhulka, guryaha dadku gadan doono iyo marka ay iska sii gadayaan mustaqbalka haddii laga maarmi waayo,” ayuu Cabdi Abshir oo sharraxaad ka bixinayay qaabka mashruucan loo hirgelinayo.

Mashruucan oo ah mid lagu hirgelinayo guryo cusub oo deegaan ah oo laga dhisi doono duleedka Muqdisho, waxaana ku bixi doona lacag gaaraysa 50-Miliyan oo doollarka Mareykanka ah. tuulada yar ee la dhisi doono ayaa 3-km kaga beegnaan doonta Muqdisho dhinaca xeebta Jaziira, iyadoo tuuladan loo dhameystiri doono wax walba oo loo baahan yahahy.

Deegaankan cusub ayaa waaxa laga dhisi doonaa dhowr kun oo guri, jidad, iskuullo, jardiinoooyin, hoolalka wax laga gato, gargaarka deg-dega ah, saldhig booliis, garoomada cayaaraha kala duwan IWM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa lasoo taagay maanta oo Isniin ah afar qof oo Somali ah, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarkii Westgate Mall, kaasoo lagu dilay 67-qof oo u badan Kenya.

Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa shalay ka qaybgalay munaasibad loogu dabaaldegayey sanad guuradii 20aad ee ka soo

Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Wararka maanta oo Isniin ah aanu ka helayno barriga gobolka Mudug ayaa sheegaya inay mar kale dib u soo cusboonaadeen xiisadihii colaadeed ee dhawaan ka dilaacay deegaanka Godod ee barriga Gaalkacyo.

Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Madaxa Xafiiska hawlgallka kaalmadda Qaraamda Midoobay ee Somalia (UNSOM) u joogay Puntland Cumar Daa’uud Aboud,iyo sargaalka u qaabilsan xafiiska UNSOM dhinaca siyaasadda C/casiis Maxamud Farabadane ayaa magaalada Gaalkacyo kula shir qaar ka mid ah Isimada Puntland, waxaana uu shirkaasi la xiriiraa la tashi ku aaddan sida ay u qabsoomayso doorashada soo aaddan ee Puntland ka dhacaysa sannadka 2014-ka.

Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Dhadhaab Maxamed Daahiye ayaa dawlada Kenya ka codsaday inay furto xadka u dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Dalad ay ku midaysan yihiin 15 dugsi Qur'aan oo ku yaalla gobolka Minnesota ayaa xaflad Qalin-jabin ah oo u qiimo badan ugu sameeyaya Minneapolis Convention Canter 130 Arday oo dhameysay barashada Qur'aanka Kariimka . Waana Qalin-jabintii labaad oo la sameeyo.

Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xukun xabsi ah ku ridday sarkaal ciidanka xoogga dalka ka tirsanaa, kaasoo lagu eedeeyay amar-diiddo.

Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Shirka dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka oo galay maalintii labaad ayaa lagu wadaa in maanta looga hadlo heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya bishii Ogoosto ee sannadkan.

Isniin, November 04, 2013 (HOL) —Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, ahna ra’iisul wasaare ku xigeen, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ogolaadeen in in la taageero ciidamada xoogga dalka iyo kordhinta ciidamada AMISOM.

Somali News

Police officer grievously injured -Malta Independent Online
11/4/2013 6:16 AM EST
A police Inspector was today, grievously injured while he was on patrol at the Malta International Airport.

11/4/2013 6:13 AM EST
America’s food security is at immediate risk, according to a report leaked this month by the New York Times. Americans should expect crop production to fall by as much as 2 percent each decade for the rest of the 21st Century.

11/4/2013 5:48 AM EST
A man was stabbed to death and another was left fighting for his life following a fight outside a west London club.

11/4/2013 5:04 AM EST
A British terror suspect who escaped surveillance by changing into a burka on a visit to a mosque is being hunted by counter-terrorism officers.

11/4/2013 4:56 AM EST
Coalition of health professionals recommends aggressive steps to eradicate the practice in the UK.

11/4/2013 4:50 AM EST
Dadaab MP Mohammed Dahiye has appealed to the government to open up the Kenya-Somalia border to enhance trade between the two countries and boost bilateral relations.

11/4/2013 4:47 AM EST
Africans were treated Sunday to a spectacular solar eclipse that swept across the continent, while sky-gazers in the United States and Europe also glimpsed the rare phenomenon.

11/4/2013 4:44 AM EST
Corruption among security personnel and other government agencies is to blame for increased terrorist threats in the country, an intelligence report says.

11/4/2013 4:41 AM EST
A high school student who was dramatically arrested by police last month, following the Westgate terrorist attack, for allegedly being a secret operative of the Al-Shabaab militia has been quietly released after nothing was found on him.

11/4/2013 4:36 AM EST
Extremist group al-Shabaab – who claimed responsibility for the recent Westgate shopping mall siege in Nairobi – are best known for fighting a bitter civil war in the East African country.

11/4/2013 4:32 AM EST
Progress is slow but, the optimists say, certain on the building of a national force.
Click here