4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2013
Shirka dib u hishiisiinta Jubbooyinka oo Maanta lagu sharrixi doono hishiiskii dhexmaray Dowladda iyo Maamulka Jubba


Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Shirka dib u heshiisiinta gobollada Jubbooyinka oo galay maalintii labaad ayaa lagu wadaa in maanta looga hadlo heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya bishii Ogoosto ee sannadkan.

Qodobbada heshiiskaas ayaa lagu wadaa in shirka ay ku faah-faahin kaga bixiyaan saxiixayaashii heshiiskan, kuwaasoo kala ah hoggaamiyaha Jubba, Sheekh Axmed Madoobe iyo wasiir u dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Faarax Sheekh C/qaadir.

Ergada shirka kasoo qaybgashay ayaa waxaa la filayaa in sharraxaaad aad u ballaaran laga siiyo sidii uu heshiiskaas ku billowday iyo sidii lagu soo gaba-gabeeyay, taasoo looga gol-leeyahay inay ergadu  wax badan ka ogaadaan heshiiskaas iyo heerarkii uu soo maray.

Heshiiskan oo ay gar-wadeen ka ahaayeen urur goboleedka IGAD iyo sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa wuxuu maray heerar kala duwan, iyadoo marar badan uu ku sigtay in lagu kala dareero, balse dadaallo badan oo ay IGAD iyo dowladda Itoobiya sameeyeen ayaa sababay in heshiiskaas ugu dambeyn la saxiixo dhammaadkii bishii Ogoosto ee sannadkan.

Shirka ayaa waxaa guddoomin doona wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo ah mas’uulka u qaabilsan dhinaca dowladda qaban-qaabada shirkan.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in ergooyinka shirk ka qaybgalaya maanta loo qaybiyo dhowr qaybdood si ay uga doodaan heshiiskii ay dowladda iyo maamulka Jubba gaareen, waxaana sidoo kale looga hadli doonaa dhowr ajande oo kale oo ay ka mid yihiin u gogol-xaaridda dhismaha maamulka KMG ah ee Jubba iyo habka uu ku shaqeyn doono labada sano ee uu jiri doono.

Shirkan ayaa si weyn looga soo dhaweeyay gobollada Jubbooyinka waxayna shacabka ku nool Jubbooyinka ay ku tilmaameen mid deegaannadooda u horseedaya horumar iyo nabad waarta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya