4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 4 , 2013
Madaxa Xafiiska Howl-galka Kaalmada QM iyo Wakiilka UNSOM ee Puntland oo la kulmay Qaar ka mid ah Isimada Puntland (SAWIRRO)


Isniin, November 04, 2013 (HOL) — Madaxa Xafiiska hawlgallka kaalmadda Qaraamda Midoobay ee Somalia (UNSOM) u joogay Puntland Cumar Cabuud iyo madaxa xafiiska UNSOM dhinaca siyaasadda, C/casiis Maxamud Farabadane ayaa magaalada Gaalkacyo kula shir qaar ka mid ah Isimada Puntland, waxaana uu shirkaasi la xiriiraa la tashi ku aaddan sida ay u qabsoomayso doorashada soo aaddan ee Puntland ka dhacaysa sannadka 2014-ka.

Mas’uuliyinta ayaa la shiray Islaam Bashiir Islaam Cabdulle oo ka mid ah Isimada ugu weyn ee Puntland, kaaso ay ku booqdeen hoygiisa oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo, waxayna isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo u badna sida ay noqon doonto doorashada dhacaysa.

Sidoo kale, labadan mas’uul oo Gaalkacyo ku joogay socdaal qaatay saddex maalmood ayaa Islaam Bashiir kala tashaday xaaladda gobolka Mudug iyo doorashada Puntland dhawaan ka dhici doonta si ay ugu dhacdo xasillooni iyo cadaalad, sidoo kale waxay  si gaar ah uga wada-hadlleen habka soo xulitaanka xildhibaannada baarlamaanka Puntland oo ay Issimadu si gaar ah xil uga saaran yahay.

Islaam Bashiir Islaam Cabdulle ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay labadan mas’uul booqashada ay ugu yimaadeen, wuxuuna u sheegay in Isimada Puntland ay ka go'an tahay in sida ugu wanaagsan ay u dhacdo doorashada soo socota.

"Isimada Puntland, waxaa ka go'an inay ka shaqeeyaan sidii doorashadu ugu dhici lahayd si xalaal ah oo lugu wadda qanco, waxaana ka shaqeynaynaa sidii doorashadu ay ugu qabsoomi lahayd sida ugu macquulsan," ayuu yiri Islaam Bashiir.

Dhana kale, Cumar Cabuud iyo C/casiis Fara-badane waxay la kulmeen intii ay Gaalkacyo joogeen ku-simaha guddoomiyaha gobolka Mudug, Farxaan Cali Xaad iyo Ku-simaha duqa Gaalkacyo Cabdi Cismaan Farax, qaar ka mid ah bulshada rayidka iyo qaar ka mid ah musharixiinta xilk madaxnimo ee Puntland u taagan kuwasoo ku sugan magaalada Gaalkacyo, waftigu waxay dib ugu laabteen Gaaroowe maanta ooIsniin ah.

Hiiraan Online, Gaalkacyo